Mareykanka: Soomaalida aan sharciga lahayn oo loo kordhiyey muddada joogitaanka

Washington (Aftahannews)- Xoghayaha Amniga Gudaha ee Dowladda Mareykanka Alejandro N. Mayorkas, ayaa ku dhowaaqay in dadka Soomaalida ah ee aan sharciga ku lahayn Mareykanka ay sii joogi karaan 18 bilood oo kale.

Kordhinta joogitaankooda, ayaa ka billaabmaysa bisha March 18-keeda 2023, waxayna ku eegtay bisha September 17-keeda ee sannadka soo socoda ee 2024.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya mar kale loo asteeyey inay tahay waddan ay dhibaato ka taagan tahay.

“Mareykanku wuxuu awood u yeelan doonaa inuu gabbaad ilaalin ah siiyo Soomaalida. Colaadaha iyo dhibaatooyinka bini’aadantinimo ee socda, oo ay wehliyaan musiibooyinka dabiiciga ah, cudurrada, saameynta argagixisada, dambiyada, rabshadaha iyo dagaallada u dhexeeya maleeshiyo beeleedyada awgood ma awoodi karaan inay ku laabtaan dalkooda,” ayuu yidhi Xoghaye Mayorkas.

Dadkaasi joogitaanka loo kordhiyey, ayaa lagu magacaabaa inay haystaan Xaalad Joogitaan oo ku meel-gaadh ah ama Temporary Protected Status (TPS).

Tallaabadan ay u oggolaanayso ku dhawaad 430 oo qof inay ka faa’iidaystaan oo ay sii joogaan Mareykanka tan iyo Sebtembar 17, 2024, haddii ay buuxiiyaan shuruudaha sharcigan oo ay dhawaan shaacin doonto dowladda Federaalka Mareykanka, isla markaana ay sharraxaad dheeraad ah ka bixin doonto.