Qarax lagu Dilay Shaqaale ka tirsan Hay’adda Waddooyinka Kenya

Gaarisa (Aftahannews)- Afar ka mid ah shaqaalaha hay’adda waddooyinka ee Kenya, ayaa lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay meel u dhow xuduudda bari ee dalkaas uu la wadaago Soomaaliya, sida ay sheegeen booliska.

Shaqaalaha, ayaa la socday kolonyo baabuur oo saddex ahaa oo ka yimid Garissa una socday Bura, markii uu haleelay qarax lagu aasay waddada, kaasi oo la tuhunsan yahay inay ka dambeyso kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.

“Gaadhi ay la socdeen afar ka mid ah shaqaalaha hay’adda waddooyinka Kenya ayaa lagu weeraray qarax miino, dhammaan afarta qof ayaa isla goobta ku dhintay,” ayuu yidhi John Otieno, oo ah maamule ka tirsan dowladda hoose.

Kooxda Al-Shabaab, ayaan weli si rasmi ah uga hadal dhacdadan.
Al-Shabaab ayaa weeraro dhimasho leh ka fulisay Kenya sanadihii dhowaa.

Weerar ay ku qaadeen Jaamacadda Garissa 2015 waxa ay ku dileen 166 qof, halka weerarkii Westgate Mall ee Nairobi ay ku dileen 67 qof 2013-kii.

Al-Shabaab, ayaa weerarada ay ka fuliso Kenya qiil uga dhiga joogitaanka ciidamada Kenya ee Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, iyaga oo dalbada inay Soomaaliya ka baxaan.