Waxgarad beeniyay Dacaayado laga fidiyay Dekedda Cusub ee Maydh

Maydh (Aftahannews)- Waayeelka iyo Waxgaradka Degmada Maydh, ayaa beeniyay dacaayado laga fidiyay Dhismaha cusub ee Dekedda Maydh ee dhawaan xadhiga laga jaray.

Waayeelka iyo Waxgaradka Degmada Maydh oo Warbaahinta qaranka la hadlay, ayaa waxaa ay been aan sal iyo raadtoona la hayn ku tilmaameen warar laga faafiyay Dekedda cusub ee Maydh.waxaana hoosta ka xariiqeen in ay dhamaystiran tahay Degmada Maydh oo aanay waxba qabin dhismaheedu.

Waxa kale oo ay ku amaaneen Wasiirka Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumaysiga Siciid Sulub Maxamed sida uu iskaga xil saaray hirgalinta Dekeda Maydh, islamarkaana ay tahay Dekedda Maydh mashruucii ugu balaadhnaa ee Xukuumadda ka fulisay Gobalka Sanaag.

Sidoo kale, Waayeelka iyo Waxgaradka Degmada Maydh, ayaa waxaa ay uga mahadnaqeen hirgalinta iyo dhamaystirka Dekeda Maydh Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Waxaana ay tilmaameen in loogu talo galay Dekedda Maydh in ay ka faa’idaystaan dadka ku nool bada iyo xeebaha ee ku dhaqan gobolka Sanaag.