Booliska Interpol oo Hargeysa ka raadinaya Nin Soomaali ah oo Lacag ka soo dhacay Sudan

“Anagu Wax Caddaawad Ah Uma Hayno Cidnaba, Xaqayagii Ayaanu Ku Doonaynaa Dariiq Sharci Ah…Dhibaato Badan Ayaa Nagu Dhacday Markaa Waxaanu Maxkamada Hargeysa Ka Codsanaynaa In Ay Noo Dedejiso Xukunka Dacwadan..” Bayaan  Bareer Samaaniv

Hargeysa(Aftahannews):- Ciidaamada booliska caalamiga ah ee marka magacooda la soo gaabiyo loo yaqaano Interpol ayaa magaalada Hargeysa ka baadi doonaya nin Soomaali ah oo ay ku raad-joogaan, ninkaasi oo sida la sheegay lacag ka soo dhacay shirkad laga leeyahay dalka Suudaan, lacagtaas oo qadarkeedu dhanyahay in ka badan shan boqol oo kun oo dollar.

sudanai

Mulkiilaha shirkada Suudaaniga ah oo magaceeda la yidhaahdo Saakhir Mr. Bayaan  Bareer Samaani, ayaa sidaasi ku sheegay waraysi uu siiyey warbaahinta isaga oo jooga magaalada Hargeysa, isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi  “Waxaan ahay nin muhindis ah oo Engineer ah,  waxaan ka soo baxay jaamacaddu Suudaan, waxaan leeyahay laba shirkadood, shirkadda koobaad waa shirkad la yidhaahdo Saakhir oo ka shaqaysa dhismaha, soo dejinta iyo dhoofinta iyo adeegyo kale, waxaanay xarunteedu tahay Khartuum.”

Shirkadda labaad waxaa la yidhaahdaa Fayaad International oo xarunteedu tahay dalka China, waxay qabtaan labada shirkadood soo dejinta, iyo dhoofinta iyo adeegyada kale, sida xawilaada lacagta oo laga xawilo Suudaan, loona xawilo dalka Imaaraadka iyo dalka China oo loo diro macaamiishayada doonaya in ay alaab kala soo degaan dalka China iyaga oo adeegsanaya xafiiskayaga, waxaanuna sumcad wanaagsan aanu ku lahayn dadka dhexdooda.”

 “Waxaa dhacday  ninka eedaysanaha ah ee lacagta naga dhacay oo la yidhaahdo Axmed Cali Salaad in uu iga dalbaday in uu igala shaqeeyo xawilaadda lacagaha, waxaana sharaxaad ka bixiyay oo ii keenay nin la yidhaahdo Anas oo ila shaqayn jiray, waxaanu Anas igu yidhi in inankaa Axmed uu ay asxaab yihiin oo la deganaa muddo dheer oo uu gurigiisa ku hayn jiray, waxaanu yidhi Anas ninkani waa nin fiican oo diin iyo amaano iyo aqoonba shaqada u leh.” Ayuu yidhi mr. Bayaan  Bareer Samaani, waxaanu intaa ku daray “sidaa darteed waxaanu oggolaannay in uu nagala shaqeeyo shirkada, laga bilaabo bishii April 2013-kii, waxaanuna u dhiibi jirnay maalinkasta lacag dhan 5000$ ilaa 10000$, lacagtaas oo uu maalinkasta u xawili jiray Dubai iyo China, waxaanu qaadan jiray komishan. Hase yeeshee wuxuu yidhi komishankani aad ayuu iigu yaryahay, waxaanu dalbaday in loo kordhiyo lacagaha uu xawilayo maalinkasta, si uu lacag fiican u leho waxaanu noo sheegay in uu xidhiidh fiican la leeyahay xawaaladaha Soomaalida dadka ka shaqeeya oo ay qaraabo yihiin, sidaa darteed uu awood u leeyahay in uu xawilo lacag badan  maalintiiba, waxaannu ku lahaa lacagta uu xawilayo komishan dhan 20%, lacagta waxa uu nagaga qaadi jiray Khartuum waxaanu naga siin jiray Dubai oo walaalkii Maxamed Cali Salaad naga siin jiray. Waxaannu wada xisaabtami jirnay toddobaadkii mar, waxaanuna u qornay warqad shirkaddayada ka socota oo caddaynaysa in uu awood u leeyahay in uu ku xawili karo lacagaha magaca shirkadayada anaga oo kalsooni ku qabnay.”

Mr. Bayaan  Bareer Samaani  waxa kale oo uu intaa raaciyay “Waxaa dhacday bishii siddeedaad ee sannadkii 2013-kii ayaanu lacag u dhiibnay, dabeedna lacagtii muu xawilin, markii aannu waydiinnay ee aanu nidhi maxaad u xawili wayday waxa uu nagu yidhi waxaan lacagtaa xawilayaa oo aad iga helaysaan bisha sagaalaad kawdeeda illaa shanteeda. Waxaanay lacagtaasi dhamayd 555,251 (Shan boqol shan iyo konton kun laba boqol konton iyo kow dollar).

Maalintii aanu ballansanayn in aanu lacagtii ka helno ayuu telefoonkii xidhay oo uu is qariyay. Waxa kale oo jiray walaalkii oo isna isla maalintaa ay ahayd in uu lacagtaas badh ka mid ah nasiiyo oo ahayd boqol iyo siddeetan kun oo dollar , isaguna isla maalintaas ayuu telefoonkiisi xidhay oo uu is qaray isla markaanna uu ka tagay Dubai, waxaanu tagay dalka Itoobiya, arrintaana waxaanu ka ogaanay bilayska Dubai.”

 “Intaa kadib ciidmada CID-da iyo ciidamada amaanka ayaa waxa ay noo caddeeyeen in ninkaasi lacagta naga dhacay ee Axmed Cali Salaad uu joogo magaalada Hargeysa, intaa kadib waxaanu go’aansanay in aanu nimaadno Hargeysa oo aanu qabano, sababta oo ah waxaanu waraaqo ka haysanay ciidmada Interpol (booliska caalamiga ah).

Kadib markii ay taariikhdu ahayd ahayd siddeedii bishii saddexaad ee sannadkan 2014-ka ayaannu Hargeysa nimi oo aannu bilawnay ashkatadayadii, waxaanu la kulanay wasiir ku xigeenka amniga ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, arrintaydii ayaanu uga sheekaynay, waxaanu tusnay ninkii na dhacay sawirkiisii, wasiirku waxa uu noo sheegay in uu ninkani halkan ku soo maray oo uu ku yidhi waxaan doonayaa in aan maalgashi samaysto, markaa wasiirku wuu fahmay in aanu ahayn nin hagaagsan isla markaana  uu doonayo cid uu ku tiirsado oo ilaalisa.” Ayuu yidhi Bayaan  Bareer Samaani.

Mulkiilaha shirkada Saakhir waxa uu intaa raaciyay “Wasiirku waxa uu ciidamada amaanka faray in ninkaas la soo qabto, waxaanu tagnay guryihii lagu tuhmayay, waanu ka waynay, waxaanu tagnay gurigii Aabbihii, halkaasna waanu ka waynay, Aabbihii ayaa aroortii dambe nala soo hadlay oo nagu yidhi hadaad lacag inankayga ka doonaysaan aniga ayaa idinsiinna ee maxaad Interpol ugu tageen oo aad u soo dacwayseen. Aabbihii maalintii hore waxa uu sheegay in wiilkiisu uu lacag kala yimi Suudaan, oo uu ka soo shaqeeyay macdanta iyo dahabka, maalintii dambe ee aanu kulanayna waxa uu yidhi inankaygu Suudaan lacag kamuu keenin, markii aanu nidhi soodigii sidaa yidhina waxa uu yidhi haddii aad soo caddaysataan aniga ayaa idin siinaya lacagtaa.”

“Markii dambe waxaa la sameeyay guddi dhex dhexaad ah oo isugu jira ehelada uu ka soo jeedo ninka dhacay iyo waxgaradka deegaanka Hargeysa, markii dambe Eedaysanaha lacagta naga dhacay Aabbihii waxa uu naga codsaday in aannu joojinno dacwadda Interpol oo aannu Wasiirka warqad u qorno isaguna uu inankiisi keeno. Warqad ayaannu u qornay wasiirkii waanuna joojinay dacwaddii, muddadii uu odaygu yidhi waan ku keenayaa kumuu keenin inankiisii, waxa uu yidhi mudo kale ha la isiiyo, haddana waa loo kordhiyay muddadii, waxa kale oo jirta markii uu wasiirku joojiyay dacwadii waxa arrintii loo wakiishay maxkamada Tawfiiq ee shareecada Islaamka ee Sheekh Dirir oo uu odaygu doortay, markaa fadhigii labaad ayaan anigu markhaatiyadaydii iyo waraaqihii cadaynta ahayd aan keenay, fadhigii dambe ayuu yidhi inankaygii waan keeni kariwaayay oo wuu baqanayaa, markaa waxa uu dalbaday in afar markhaatiyada ahi ay u dhaartaan oo uu lacagta bixiyo, haddana wuu is bedelay, haddana hadal kale ayuu la yimi oo uu leeyahay anigu lacag idinkama dhicin lacagna ma hayo inankaygiina gacan iiguma jiro, sidaa darteed maxkamadii waan ka baxay.” Ayuu yidhi Mr. Bayaan  Bareer Samaani waxaanu intaa ku daray “ Culimadii maxkamadu waxay yidhaahdeen wixii dhacay ayaanu qoraynaa, waxaanu ku warcelinaynaa wasiirkii amniga, isagu wixii uu tallaabo qaadayo ha qaado. Kadib maxkamadu waxa ay qortay wixii dhacay waxaanay u gudbiyeen wasiirka amniga, iyo warqad ay qoreen odayaashii guddidu, kadib wasiirka daakhiligu  wuu xidhay odaygii.

Intaa kadib waxaa dhacday waxaanu isla galnay maxkamada gobolka Hargeysa, afar jeer ayaa naloo balan qaaday in la dhagaysanayo arrintayadii, waanay dhici wayday, mar waxaa la yidhi ninkii looyarka u ahaa ayaa iman waayay, marna xaakinka ayuu yidhi iga beddela oo waa laga badalay, adigu afar jeer ayaanu maxkamadii nimi oo ay suuro-geli wayday, markii dambe ee ay bilaabantay ninkii looyarka u ahaa ayaa na caayay, maxkamadiina wuu caayay, anagu wax caddaawad ah uma hayno cidnaba, waxaanu doonaynaa anagu xaqayagii oo aanu ku doonayna dariiq sharci ah, si aanu ciiddii lahayd ugu celino, anagu xumaan doonimayno, waxaanu nahay dad wanaagsan oo diin leh oo muslim ah oo dhaqan leh, markaa waxaanu doonaynaa xaqayagii in aanu si wanaagsan ku qaadano.

Halkanna si wanaagsan ayaa naloogu soo dhaweeyay , dawladda Somaliland si wacan ayay noo soo dhawaysay, way na garab istaagtay, caddalad iyo xaqba way nagu garab istaageen, dadka shacabka ah ee reer Somalilandna si wanaagsan ayay noo soo dhaweeyeen culimada iyo salaadiinta reer Somaliland guri bilaash ah ayay nasiiyeen oo aanu intaaba degenayn.”

Mr. Bayaan  Bareer Samaani waxa kale oo uu intaa raaciyay “Dhibaato ayaa na soo gaadhay oo mushkiladan naga soo haleeshay, Xafiisyadayadii oo dhami way xidhmeen, waxaa jirtay arday jaamacado noo dhignayay oo wax ka baranayay China, ardaydiina way ka yimaadeen, sababta oo ah dadka lacagta wax ku lahaa waxaa ka mid ah dad reer China ah, markaa waxaanu ka baqnay in ay dhibaateeyaan, arrintana waxaa nagaga baxay masruuf iyo lacag badan, halkanna waxaanu ku joognaa 11 qof muddo saddex bilood ah, markaa dhibaato badan ayaa nagu dhacday waxaanu maxkamada Hargeysa aanu ka codsanaynaa in ay noo dedejiso xukunka dacwadan.”

Axmed Maxamuud Cismaan

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.