Baanka Dhexe ee Somaliland oo Digniin u diray Sarifleyaasha

Hargeysa (Aftahannews)- Baanka dhexe ee Somaliland, ayaa digniin u diray Sarifleyaasha hawl galla magaalooyinka dalka, maadaama oo sarifle kasta oo dalka ka shaqaysta in ruqsadda loo siiyay si ay bulshadoodda ugu addeegaan.

Hase yeeshee haddii ay fursadaa la siiyay ay uga faa’iidaystaan danno gaar ahaaneed in baanka dhexe ee Somaliland uu liisanka kala noqon doono sarifleyaasha, sida uu sheegay Agaasimaha guud ee baanka dhexe ee JSL Mukhtaar Cabdi Quule, oo hadal ka jeediyay munaasibad shalay lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Agaasimaha guud ee baanka dhexe ee JSL Mukhtaar Cabdi Quule, ayaa ku booriyay sarifleyaasha in ay si hufan ugu addeegaan bulshadda maadaama oo ruqsad loo siiyay in ay u shaqeeyaan dadweynaha.

“Sarifle kasta oo reer Somaliland ah, oo uu baanka dhexe siiyay Liisan, oo loo siiyay inuu bulshadiisa u addeego, isagu na uu dhaqaale ka hello, uma dul qaadanayno in lacagta dollar ka ahna laga saaro, shillinka Somaliland la soo qadimo. Waxaanan leenahay ixtiraama dadkiina, waxaa la idiin ogolaaday fursad aad ku shaqaysataan, aad dhaqaale ku abuurtaan.

Ha noqoni na in fursadaa la idin siiyay aad uga faa’iidaysataan danno gaar ah, oo shaqsiyadeed. Waxaa balan ah, oo aan u sheegayaa ummada reer Somaliland in tallaabo laga qaadi doono” ayuu yidhi agaasimaha guud ee baanka dhexe ee Somaliland.

Sidoo kale agaasimaha baanka dhexe waxa uu sheegay in la xoojiyo xeerarka iyo hab-raacyadda uu baanka dhexe ku kor joogtaynayo baananka gaarka loo leeyahay, iyo haayadaha kale ee maaliyadeed.

Waxaanu yidhi, “Waa in la xoojiyo xeerarka iyo hab-raacyadda uu baanka dhexe uu ku kor joogtaynayo, baananka gaarka loo leeyahay, iyo haayadaha kale ee maaliyadeed. Sidoo kale maaraynya khataraha maaliadeed ama dhaqaale ee suurto gal ka ah in ay dhacaan, iyo in si habsami ah loo ilaaliyo xuquuqaha qofka macmiil ah”.

Geesta kale agaasimaha guud ee baanka dhexe ee JSL Mukhtaar Cabdi Quule, ayaa uga digay baananka gaarka loo leeyahay iyo sarifleyaasha in ay ilaaliyaan xuquuqda dadka macaamiisha ah, maadaama oo ay hayaan hantidoodii.

“Dadka macaamiisha ah ee baananka isticmaalaa waxay xuquuq u leeyihiin kor joogtayn adag. Waayo? Hantidoodii baa taalla, waaxda kor joogtayn ta ayaana inta badan xooga saaraya, iyo waaxda arrimaha shuruucda. Shuruuc badan, iyo ha raacyo badan ayaanu baanka dhexe ee Somaliland sameeyay mudooyinkan danbe” ayuu yidhi agaasimaha baanka dhexe ee Somaliland.