Ururka Khayriga ah ee Abu-Hureyra oo Xafiis Cusub ka furtay Berbera

Berbera (Aftahannews)- Ururka khayriga ah ee Abu Hureyra Charity Organization oo inta badan ka shaqeeya arrimaha samafalka, ayaa waxaa uu Xafiis cusub ka furtay Magaalada Berbera ee xarrunta gobolka Saaxil.

Munaasibad lagu daah-furayay Xafiiska Ururka Abu Hureyra oo ka qabsoontay magaalada Berbera, ayaa waxaa ka qayb galay Madaxda Ururka Khayriga ah ee Abu Hureyra, Mareeyaha Haamaha Keydka Shidaalka ee Berbera, Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Deegaanka Berbera, Ganacsato iyo Marti sharaf kale.

Sidoo kale, waxaa madasha hadalo ka jeediyay Guddoomiyaha Ururka Khayriga ah ee Abu Hureyra Ayaan Cismaan iyo Madaxdii kala duwaynd ee ka soo qayb gashay munaasibadaasi.

Waxaanay si qoto dheer uga warameen Shaqada muta-tacnimada leh ee Ururka Khayriga ah ee Abu Hureyra u hayo Bulshada iyo doorka uu ka qaatay Taakuleynta Bulshada.