Somaliland oo Shaacisay inay Degmada Sallaxley Shidaal laga helay Soo Saarayso

 Hargeysa (aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday maanta in Shidaal rasmi ah laga helay deegaanka Bahadhamal oo ka tirsan degmada Sallaxlay ee gobolka Maroodijeex ee Somalilan, kaas oo baadhistiisa la bilaabayo.

Kadib baadbitaan ay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland ku samaysay dareere madoow oo kasoo fatahay goob laga qodayay Ceel Biyood bishii Sebtember ee 2022-kii, ayaa la ogaaday in uu yahay shidaal sax ah.

Shirkadda Genel Energy
Shirkadda Genel Energy

War qoraal ah oo maanta lagu baahiyay bayjka Facebook ee Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, ayaa lagu sheegay in dareerihii Shidaalka looga shakiyay uu noqday Shidaal dhab ah, isla makaana, dhawaan la soo saari doono, sida qoraalka lagu sheegay, Wasiirka Wasaaraddaasina ku sheegay hadal uu maanta xaflad ka jeediyey.

“Baadhis cilmiyeysan oo lagu sameeyey natiijadii Ceelka degmada Sallaxley wuxuu noqdey shidaal, dhawaana Shirkadda Genel Energy waxay bilaabaysaa baadhista iyo soo saarista shidaalka.” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraalka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland.

Shirkadda Genel Energy ee Ceelkan Shidaalka ka qodi doonta, ayaa tan iyo 2012-kii Somaliland ka wadday Shidaal baadhis. Inkasta oo ay Shirkaddu rejo fiican oo Shidaal ka muujisay deegaanno kala duwan oo ay sahamin iyo baadhitaanno ka samaysay Somaliland,  haddana, weli kumay guulaysan inay Shidaal ka soo saarto Somaliland.

Dowlada federaalka Soomaaliya, ayaa dhawaan diidmo ka muujisay hawlaha ay Shirkaddu ka wado Somaliland oo ay ku doodday inaanay oggolaansho ka haysan dowladda Soomaaliya,  sidaa awgeedna aanay sharci ahayn shaqada ay ka waddo Somaliland.

Haseyeeshee, qoraal 29/12/ 2022-kii ka soo baxay Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, oo lagaga jawaabayo diidmada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Somaliland arrimaheeda iyo maamulka dalkeeda iyo khayraadkiisa u madax bannaan tahay, isla markaana hadalka dowladda Soomaaliya yahay mid aan loo meel deyin oo daandaansi iyo farogelin ku dowladnimada Somaliland.