Gudigga Ganacsiga iyo Warshadaha Barlamaanka Somalia oo Kulan la yeeshay Wasiirka Qorshaynta Qaranka

Muqdisho (aftahannews):- Guddoomiyaha Guddiga Ganacsiga iyo Wershadaha ee Barlamaanka Somalia Maxamed Sheekh, ayaa kulan la yeeshay Wasiirka Qorshaynta Qaranka Xukuumadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga Ganacsiga Wershadaha Iyo Maalgashiga Xildhibaan Mohamed Shekh Nuur,  waxuu manta shir wada-tashi iyo is xogwareysi ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Soomaaliya, waxaana goob-joog ka ahaa Wasiir Maxamuud Cabdiraxman Beenabeena, Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Ku-simaha Agaasimaha Wasaarada, Agaasimaha Maalgshiga, Agaasimaha Qorsheynta iyo xubno kale oo Khobarada  Wasaaradda ka tirsan.

Guddoomiyaha Guddiga, Ku-xigeenkiisa, Xoghaya Guddiga, iyo Xubnaha kale ee Guddiga, ayaa iyadan goob joog ka ahaa shirkan muhiimka ahaa Gudiga wuxuu warbixin ka dhegeystay Wasiirka Wasaaradda Maxamud Abdirahmana Bene Bene iyo Wasiirk Ku-xigeenka, Agasimaha Maalgashiga iyo dhamaan Hawlwadeennada Wasaaradda,  waxaanay si qoto dheer u soo bandhigeen qorshe howleedka Wasaaradda ee arrimaha Maalgashiga Dalka halka ay marayaan iyo waxa u qabsoomay muddada ay hadda jirto wasaaraddu.

Kulankan, ayaa lagu wada falanqeeyay wada shaqeynta Guddiga iyo Wasaaradda iyo dardargelinta sharuucda muhiimka u ah Qaranka.