Hoggaanka KULMIYE oo sharci-darro ku tilmaamay ku dhawaaqista Golaha dhexe iyo Guddiga Fulinta Xisbiga

Hargeysa(Aftahannews):- Hoggaanka sare ee Xisbil-xaakimka KULMIYE, ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabteen magaalada Hargeysa si cad ugu shaaciyey inaanay wax sharciya ahayn Liiska Magacyada ay Xubnaha Golaha dhexe iyo Guddiga Fulinta KULMIYE ee ay xalay ku dhawaaqeen Shir-guddoonka Shirweynihii saddexaad ee Xisbigaas oo gacanta ku hayey hawsha ururinta Liisaska Ergooyinka Beeluhu u soo xusheen Golaha dhexe.

HOGGAANKA XISBIGA KULMIYE EE QAADDACAY KU DHAWAAQISTA

Xubnaha hoggaanka Xisbiga KULMIYE ee galabta shirka jaraa’id ee wada-jirka ah ku qabtay magaalada Hargeysa waxaa ka mid ahaa Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Maxamed Kaahin Axmed, Guddoomiyaha Golaha dhexe ee KULMIYE Jaamac Ismaaciil Cige (Jaamac-Shabeel) iyo Xoghaya guud ee Xisbigaas Xasan Siciid Yuusuf, waxay dhammaantood ku qaaddaceen Sharcinnimada ku dhawaaqista Liiska.

Waxay Xubnahani ku doodeen inaanay Shirguddoonkii Shirweynaha oo masuuliyaddoodu ku dhammaaday markii shirweynuhu dhammaaday uu farsamo ahaan Guddoomiya KULMIYE ugu xil-saaray inay ururiyaan Liisaska Ergooyinka golaha dhexe ee Beeluhu soo xulanayaan maaddaama oo sida uu sharciga Xisbigu dhigayo lagu dhammaystirin shirweynihii Xisbiga. Hase-yeeshee, waxay sheegeen inaanay aqbali doonin, isla markaana waxa ay ku dhawaaqeen iyo qaabka ay ugu dhawaaqeen aanu meelna ka waafaqsanayn Sharciyadda Xisbiga u yaalla.

Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin waxay sheegeen inay jiraan Xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada Xukuumadda oo dab ka dhex-shidaya, isla markaana khilaafaad ka dhex-abuuraya Xisbiga iyo Xukuumadda, waxaanay ku doodeen inaanay jirin dhibaato iyo khilaaf u dhexeeya Madaxweynaha iyo iyaga, balse ay jiraan Wasiirro hoggaanka Xisbiga cadaw uga dhigaya Madaxweynaha.

Halkan hoose ee AFTAHANNEWS/RADIO/TV ka dhegayso Codka Shirka Jaraa’id ee ay galabta wada qabteen Xubnaha Hoggaanka Xisbiga KULMIYE.

Cabdifataax I. Mursal

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.

.