Qarax Caawa ka dhacay Magaalada Boosaaso

Boosaaso (Aftahannews)- Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland, ayaa waxaa ay sheegayaan in caawa ay halkaasi ka dhaceen laba Qarax.

Labada qarax oo ahaa Bamboo Gacmeed, ayaa wararku waxay sheegayaan in ay ka dhaceen afafka hore ee hotel ku yaalla magaalada Boosaaso oo lagu magacaabo Jaabir.

Weerarka, ayaa dhacay xilli ay hotelkaasi ka socdeen kulan maamulka goboleedka Puntland soo qaban qaabiyay oo lagu taageerayay doorashada goleyaasha deegaanka ee maamulkaasi.

Hasse yeeshee, llaa iyo hadda lama oga khasaaraha ka dhashay weerarkan bambo gacmeedka ah ee huteelkaasi lagu qaaday.

Weerarkan, ayaa imanaya xilli magaalada Boosaaso lagu wado in maalinta berri ah ay ka bilowdaan diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashada dowladaha hoose ee maamulkaasi.

Dhinaca kale, siyaasiyiinta mucaaradka ee maamul goboleedka Puntland oo diidan diiwaan-gelinta, ayaa abaabulaya mudaharaadyo xoogan, iyadoo laga cabsi qabo in xiisado waa weyni ka dhashaan.