Maxkamadda Dembiyada dagaalka ee Hague oo Xukuntay Dagaal-ooge Afrikaan ah

Hague(Aftahannews):- Maxkamadda Caalamiga ah ee dambiyada dagaalka ee ICC, ayaa labo iyo taban sano oo Xabsi ah ku xukuntay hoggaamiye kooxeed u dhashay dalka Koongo oo la yidhaa Katanga, oo ahaa dagaal ooge loo haysto gabbood fallo ka dhacay dalka Congo.

140523090316_katanga_304x171_getty_nocredit

Katanga waxa xoogaga dawladda Congo soo qabteen sanadkii 2007kii , iyadoo isla sanadkaaba ay u soo gacan galiyeen maxkamadda Hague. Waxaanu hore u qirtay inuu galay dambiyo dagaal, ayaa Maxkamaddu ku heshay dambi ah in ciidamada uu watay ay dad rayid ah laayeen.

Hoggaamiyahan la xukumay oo hadda xabsiga ku jira muddo lix sano taas oo laga jari doono inta sano ee lagu xukumay. Lix sano oo kale ayuu sii xidhnaan doonaa.

Ninkan oo da’diisa lagu sheega 36 jir, bishii March waxaa lagu xukumay in xoogagiisu ay toban sano ka hor xasuuqeen boqolaal dad ah oo dagan tuulada Ituri oo qani ku ah dahab-ka oo ku taalla gobol-ka waqooyi ee Jamhuuriyada Dimuqraadiga ah ee Congo.

Xasan Axmed Abokor (Xasan Sonkor).

hassansukar2010@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.