Askari u dhashay Uganda oo Soomaaliya ku Dilay Saddex Sarkaal

Muqdisho (Aftahannews)- Waxaa socda baadhitaanno la xidhiidha askari ka tirsan ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (Atmis) uu subaxnimadii Isniinta ku dilay saddex ka mid ah ciidamadaasi.

Toogashada, ayaa ka dhacday xarunta ugu weyn ee ciidamada Uganda. Afhayeenka ciidamada Uganda Felix Kulaigye, ayaa xaqiijiyay dhacdada iyo xadhiga askariga.

Waxaa la sheegay in uu ku kacay fal dil ah oo uu ku toogtay saddexda askari. Ciidamada ayaa markii hore mooday in saldhigooda la soo weeraray.

Dhibbanaha labaad, ayaa saddex xabbadood lagaga dhuftay madaxa, isagoo isku dayayay inuu ogaado waxa dhacaya, halka kan saddexaadna dhabarka laga toogtay isagoo isku dayay inuu baxsado.

Waa dhacdadii ugu horreysay oo muddo dhowr sano ah ka dhacda Soomaaliya oo ay ku lug yeeshaan ciidamada Uganda.

Dhacdo tan la mid ah, ayaa dhacday sanadkii 2019-kii markii kabtan u dhashay dalka Uganda uu is dilay ka dib markii uu toogasho ku dilay saaxiibkii.