Qaraxyo khasaare sababay oo ka dhacay Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan

Maxaas (Aftahannews)- Ugu yaraan 15 qof, ayaa ku dhintay, tira kalena waa ay ku dhaawacmeen laba qarax oo is-miidaamin ah oo ka dhacay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, sida ay xaqiijiyeen saraakiil ku sugan halkaas.

Mid ka mid ah qaraxyadan, ayaa lala eegtay guri uu Maxaas ka degan yahay Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka Soomaaliya, walow aannu Xildhibaan Jacfar joogin Maxaas xilliga uu dhacay qaraxan.

Qaraxa kale, ayaa isna waxaa uu ka dhacay guriga guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane.

Muumin Maxamed Xalane, ayaa sheegay in weerraradan ay ahaayeen kuwa ‘aragagixiso’, isaga oo intaas ku daray in hay’addaha amniga iyo kuwa gurmad degdegga ah ay yimaadeen goobaha ay ka dhaceen qaraxyadan.

Maleeshiyada kooxda Al-shabaab, ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxyadan.