Guddoomiye Saleebaan: “Dowlada Somaliland way ku Filan Tahay inay Dalka Difaacdo”

Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa sheegay in Dowladda Somaliland ay ku filan tahay in dalkeeda ay difaacdo.

Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa waxaa uu tilmaamay in uu ka xunyahay dadkii ku dhintay rabshadihii ka dhacay Magaalada Laascaanood.

”Waanu ka xunahay dadkii ku dhintay Mudaharaadkii Laascaanood gidigeen ayay ka dhinteen reer Laascaanood kamay dhimay,Somaliland waa isku filan tahay cid usoo gurmatana uma baahna iyadaa isku filan. ka marti galin mayno nin markii horeba dal kale u guuray dhagaysan mayno nasteexna kamay talin taladoodu waxa weeye in Somaliland isku dhimato,qabyaalada halaga daayo dawlada waaku filan tahay in dalka ay difaacdo dadweynuhu waa in dalkooda difaacaan oo dawlada waa hogaaminaysaa,”. ayuu yidhi.

Sidoo kale, Guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa uu waxa uu tilmaamay in loo baahanyahay in xal degdega laga gaadho arinta Laascaanood.

“Waxa inoo balana in arinta Laascaanood xal degdega u helno,iyada oo mudnaanta koowaad aanu siinayno dadka iyo waxgaradka laascaanood u dhashay.iyagu in gacanta koowaad yeeshaan ayaanu ku talinaynaa si nabed loogu soo dabaalo Laascaanood. dadweynuhu waa iska dagi doonaan waana tusi doonaa in dantooda aanu ka shaqaynayno,”. ayuu yidhi Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan.