Madaxweynaha Djibouti oo Si Diirran loogu Soo Dhaweeyey Muqdisho

Muqdisho (aftahannews):- Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Wafti uu hoggaaminayo, ayaa maanta lagu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku qaabbileen  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Raysal-wasaaraha masuuliyiin kale.

Madaxweynaha dalka Jabuuti, ayaa soo dhaweyn ka dib loo galbiyay Madaxtooyada Soomaaliya, halkaas oo lagu wado in labada madaxweyne ee Soomaaliya iyo Jabuuti ku wada yeeshaan kulammo.

Waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, ayaa loo xidhay imaashaha Madaxwaynaha Jabuuti, iyadoo laamaha ammaanka ay sheegeen in looga gol leeyahay xedhitaanka waddooyinka adkeynta ammaanka magaalada oo marti galneysa madax sare.

Ujeeddada safarka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa lagu sheegay iney Maanta ay si wadajir ah xarigga uga jari doonaan isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud xarunta cusub ee Akeddeemiyad goboleedka Af Soomaaliga oo laga horgaliyay magaalada Muqdisho.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in martida ka qeyb galeysa daahfurka xaruntan uu ka mid yahay madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Muxumed Cumar iyo marti kale oo ka imaaneysa dalka Kenya.