Madaxweynaha Somaliland Muxuu ka yidhi Geerida Cabdinaasir Macallin Caydiid?

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay geerida Allaah ha u naxariistee Cabdinaasir Macallin Caydiid oo Xalay ku geeriyooday magaalada  Addis Ababa ee dalka Ethiopia oo xaalad caafimaad loo geeyey.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay mid ka mid ah udub-dhexaadka door weyn ka qaatay halgankii dib-u-xoreynta Dalka, waxaanu tacsi u diray ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo bahda Fanka ee uu ka baxay Marxuuku.

War-saxaafadeed Kooban oo xambaarsan dhambaalka tacsida ah ee Madaxweynaha oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com, ayaa u qornaa sidatan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhammbaal tacsi ah u dirayaa, bahda fanka, suugaanyahanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum fannaan Cabdinaasir Macallin Caydiid oo ku geeriyooday xalay oo ay taariikhdu tahay 26/12/2022, Magaalada Addis ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Madaxweynuhu waxa uu Marxuumka ku sifeeyey tiir adag oo ka baxay bahda fanka sidoo kalena uu ahaa mullaxamiiste, hoobal iyo kabanayste isla markaana si weyn looga yaqaanay geyiga, door muhiim ahna ka soo qaatay halgankii dibu xoraynta dalka iyo nabadayntii shacbiga Somaliland.

Waxaanu Madaxweynuhu Marxuumka ALLAAH uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, bahda fanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Marxuum Cabdinaasir Macallin Caydiid oo dhowrkii bilood ee u dambeeyey xaaladdiisa caafimaad ka sii daraysay, ayaa geeriyoooday xilli loo diyaarinayey socdaal dibadeed, gaar ahaan dalka Turkiga oo qorshuhu ahaa in loo qaado.

Meydka Marxuumka, ayaa lagu wadaa in la keeno magaalada Hargeysa oo Aas Qaran loogu samayn doono marxuumka Arbacada Berri.

Maamulka iyo hawl-wadeennada warbaahinta Somalilandpost.net, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii, ehelkii, qaraabadii, asxaabtii iyo Bahda Fanka ee uu ka baxay Marxuum Cabdinaasir Macalin Caydiid oo muddo 40 Sanno ku dhow ku jiray Fanka Soomaalida.