Madaxdii hore ee Soomaaliya oo War ka soo saaray Xiisadda Baydhaba

Muqdisho (Aftahannews)- Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo saddex ra’iisal wasaare hore oo kala ah Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas|), Xasan Cali Khayre iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka hadlay xaalada cakiran ee ka taagan Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, gaar ahaan dagaalkii ka dhacay magaalada Baydhaba.

Bayaan ay si wadajir ah u soo saareen afartan siyaasi ee xilalka ka soo qabtay Soomaaliya, ayaa waxa ay ku baaqeen in laga shaqeeyo xasiloonida, iyaga oo ka dalbaday dhinacyada isku haya Koonfur Galbeed inay wax walba ku dhammeeyaan miiska wada-hadalka, si xal looga gaadho xiisada taagan.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan siyaasiyiinta iyo maamulka in ay wadahadalka iyo xalka fursad siiyaan kuna qancaan in xalku yahay in Koofur Galbeed laga hirgeliyo doorasho la isla oggol yahay,” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay madaxdan.

Sidoo kale, Sheekh Shariif, Cabdiweli Gaas, Cumar Cabdrashiid iyo Xasan Cali Kheyre, ayaa ka dalbaday dowladda Soomaaliya inay qaadato doorkeeda ku aadan xaaladda Koonfur Galbeed.

“Waxaan Dowladda Federaalka ka rajeyneynaa in ay qaadato kaalinteeda doorashooyinka labada heer dhowrtan muddo xilleedka sharciga ah si Soomaaliya looga badbaadiyo dib u dhac.” ayaa markale lagu yidhi bayaanka.

Waxa sidoo kale ay intaasi ku dareen in dowladnimada Soomaaliya ay u baahan tahay u tudhid iyo isku taasulid si looga baaqsado in dib loogu laabto dhibaatooyinkii hore u dhacay.

Xaaladda maamul goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo muddooyinkii dambe qasneyd, ayaa isku beddashay gacan ka hadal, waxaana weli xaalad kacsanaan ah laga dareemayaa magaalada Baydhaba.