Saylici oo Xadhiga ka jaray Mashaariic laga hirgeliyay Oodweyne

Oodweyne (Aftahannews)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo muddooyinkii u dambeeyay safar shaqo ku marayay gobolada bari ee dalka, ayaa xadhiga ka jaray mashaariic laga hirgeliyay xarunta gobolka Daad-madheedh ee Oodweyne, isagoona kuwo kale oo hadda laga bilaabayna dhagax dhigay.

Madaxweyne ku xigeenka, ayaa sidoo kale xadhiga ka jaray Waddooyin cusub oo laga hirgeliyay magaalada Oodweyne, taasi oo laga maal geliyay Mashruuca GPLG-ga.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in socdaalkiisu la xidhiidhay sidii ay u soo kormeeri la haayeen Mashruuca JPLG ee laga hirgaliyay degmooyinka dalka.

“Waxaan hambalyaynayaa Maamulka Gobolka Daadmadheedh iyo ka degmada iyo dadweynaha reer Oodweyne ee sida sharafta leh noo soo  dhaweyey,waxaanu ku jirnay kormeerkii Mashruuca JPLG oo sannadkii mar aanu soo marno. waxaana Mashruucani  hagaajiyaa maamulka iyo isla,xisaabtanka, waxaanan u mahadnaqaynaa Dawladaha hoose oo shaqada u qabtay sidii loo baahnaa inta badan. taasina ay keento in ay hagaagaan baahiyihii aasaasiga ahaa,”. ayuu yidhi Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil Saylici.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare oo ka mid ahayd wefdiga Madaxweyne ku xigeenka, ayaa uga mahadnaqday Shacabka Oodweyne sida ay u soo dhaweeyeen.

“Waxaan idiinka mahadcelinayaa sida qiimaha leh ee aad noo soo dhawayseen,markasta  oo aanu idiin nimaadno,”. ayay tidhi Wasiirku.

Guddoomiyaha Gobalka Daadmadheedh Maxamed Diiriye Xayd, ayaa waxa ku amaanay shacabka Magaalada Oodweyne sida ay usoo dhaweeyeen madaxweyne ku Xigeenka Somaliland.

”Sida  dadweynuhu idiin soo dhaweeyeen ayaa ka turjumaysa jacalka ay idin jecelyihiin,iyaga oo kala ahan Axsaab ayay u diyaargaroobeen soo dhaweyntiina aad ayaan ugu mahadnaqayaa,”. ayuu yidhi Guddoomiyaha gobolka Daad-madheedh Maxamed Diiriye Xayd.