Biden oo saxeexay Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka

Joe Biden
Joe Biden

Washington (Aftahannews)- Madaxweynaha dalka Mareykanka Joe Biden, ayaa shalay dhaqangeliyey xeerka Iskaashiga Somaliland  iyo Mareykanka oo hore goleyaasha Wakiiladda iyo Guurtida ee dalkaasi ay u soo ansixiyeen.

Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka oo qeyb ka ahaa Xeerka difaaca Mareykanka, ayaa qoraal shalay ka soo baxay Guriga Cad ee Mareykanka lagu sheegay in Madaxweynahu saxeexay, isla markaana uu dhaqan gal noqday.

Xeerkaas oo muddo diyaarintiisu soo socotay isla markaana uu soo diyaariyey Xildhibaan Chris Smith, ayaa ka dalbanaya Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka inay soo saarto warbixin sannadle ah oo ku saabsan suurtogalnimada xidhiidh rasmi ah oo Mareykanka iyo Somaliland ah iyo “fursadaha iskaashiga ee arrimaha amniga gobolka.”

Warbaahinta Caalamka oo faallooyin ka qortay Xeerka Iskaashiga Somaliland iyo Mareykanka, ayaa jariidada Politico ku sheegtay “Taasi waxay ka tarjumaysaa guusha Somaliland ay ku sheegtay inay taageersan tahay Mareykanka iyo xoogagga taageersan Taiwan ee ka soo horjeeda saamaynta is-ballaadhinta Shiinaha ee Geeska Afrika.

Curinta xeerkan, ayaa ku yimi dedaaladii wedfigii uu hoggaaminayay  Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biix Cabdi uu ku tegay dalka Mareykanka.

Waxaana midho dhal noqday guulihii socdaalkaas ee Madaxweyne Muuse Biixi uu kula kulmay madaxda dawladda Mareykanka.