Weerar Toogasho ah oo ka dhacay bartamaha Magaalada Paris

Paris (Aftahannews)- Nin hubeysan, ayaa rasaas ku furay bartamaha magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska, halkaasi oo uu ku dilay labo qof, tiro kalena uu ku dhaawacay.

Toogashada, ayaa ka dhacday meel ku dhow xarun dhaqameed ay leeyihiin Kurdiyiinta.

Eedaysanaha oo da’diisu lagu sheegay 69 jir, ayaa waxaa gacanta ku dhigay booliiska.

Maamulka, ayaa ka codsaday dadka inay ka fogaadaan aagga xarunta Rue d’Enghien, ee degmada 10-aad ee Strasbourg-Saint Denis.

“Waa argagax, waxaan isku soo xidhnay gudaha,” ayuu yidhi mid ka mid ah dukaanleyda oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP.

Qof goob jooge ah, ayaa sheegtay in ay maqashay todoba ilaa sideed xabadood oo qarxay.