Dowladda Soomaaliya oo War ka soo saartay Dagaalka Baydhabo

Muqdisho (Aftahannews)- Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay waxa ay ku sheegtay inay ka xun tahay shaqaaqooyin gacan ka hadal ah oo saaka ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta Dowlad Goboleedka Koonfuur Galbeed.

Bayaanka ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ku booriyay dhammaan qeybaha siyaasadda inay miiska “wadahadalka ku xaliyaan kala aragti duwanaanshahooda, isla markaana ay ka fogaadaan in dhiig la daadiyo.”

Warbaahinta maxalliga, ayaa tabinaysa in saaka uu halkaas ka dhacay dagaal u dhexeeya laba dhinac.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa taagnayd hadal hayn ka dhalatay kordhinta muddo xillileedka maamulka Koonfur Galbeed taasi oo siyaasiyiinta qaar ay ka soo hor jeesteen, 20-kii bishan ayay ahayd markii uu maamulka ku darsaday sanad dheeri ah.