Askar Jabutiyan ah oo Afduub loo haystay oo la sii daayay

ix askari oo ka tirsan ciidamada dalka Jabuuti oo ay afduub u haystay jabhadda mucaaradka ah, ayaa la sii daayay.

Siidaynta askartan, ayaa waxaa shaaca ka qaaday jabhadda FRUD iyo dowladda Ethiopia oo iyadu ka qayb qaadatay waanwaanta lagu sii daayay askartan.

Wasiirka gaashaandhigga ee Jabuuti, ayaa hore ugu tilmaamay garabka hubaysan ee Jabhadda ‘‘Soo celinta Midnimada iyo Dimuqraadiyadda’’ ee loo yaqaano FRUD inay yihiin koox argagaxiso ah.

Warbixin ay qortay wakaaladda wararka ee AFP, ayay kooxdu ku sheegtay in aanay rabin in uu sii daba dheeraado welwelka qoysaska askarta maxaabiista ah, isla markaana aanay rabin in ay xabsiga dhigaan muwaadiniin reer Jabuuti ah, sidaas darteedna ay go’aansadeen in askartaas ay ku wareejiyaan dowladda deriska ah ee Ethiopia.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Ethiopia, ayaa soo saartay bayaan ay ka soo xiganayso safiirka u jooga Jabuuti, waxayna sheegtay in “in askartaas lagu wareejiyay dowladda Jabuuti” iyaga oo intaas ku daray in labada dowladood ay ka wada shaqaynayaan xoojinta iskaashiga nabadda iyo amniga.

FRUD, ayaa taageero ka haysata qowmiyadda Canfarta ee waqooyiga Jabuuti.

Jabhadda, ayaa billowday kacdoon ka dhan ah dowladda 1991-kii. Ururka, ayaa markaas u kala jabay laba garab oo kala ah garab siyaasadeed oo qayb ka ah isbahaysiga talada haya ee UMP ee taageera Ismaaciil Cumar Geelle, iyo garab hubaysan.

Jabuuti, ayaa ku taallaa goob istaraatiiji ah iyo marin muhiim u ah maraakiibta, taasi oo u sahashay in ay martigeliso saldhigyada Milateriga shisheeye, oo ay ku jiraan xarumo waaweyn oo ay ku leeyihiin ciidamada Faransiiska, Mareykanka iyo Shiinaha.