Wararkii ugu dambeeyay ee Dagaalka Baydhaba

Baydhaba (Aftahannews)- Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhabo, ayaa sheegaya in dagaal xooggan uu saaka ka bilowday gudaha magaalada, waxaana lagu soo waramayaa inuu u dhaxeeyo ciidan ka amar qaata Maamulka Koofur Galbeed iyo maleeshiyo beeleed ka amar qaata qaar kamid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxweynaha maamulkaas.

Dhawaqa rasaasta, ayaa si wayn looga maqlayaa gudaha gagaalada Baydhabo inkastoo aan la ogayn khasaaraha rasmiga ee ka dhashay dagaalka

Mudooyinkii ugu dambeeyay waxaa jiray khilaaf xoogan oo u dhaxeeyay Maamulka Koofur Galbeed iyo mucaaradka kasoo horjeeda, wuxuuna salka ku hayaa muddo kordhin muransanayaasha Baarlamaanka Koofur Galbeed ay saddex sano kahor madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ugu kordhiyey hal sano muddo xileedkiisa, kaas oo dhammaanaya 19 December, 2023.

Laakiin mucaaradka, ayaa ku gacan-seydhay kordhinta muddoo xileedka madaxweynaya.

Wixii kusoo kodha xaaladda Baydhaba halkan ayaad kala socon doontaan.