Ganacsatada Qaadka ee Somaliland oo War Cusub kasoo saaray Qaadka Itoobiya

Hargeysa (Aftahannews) – Guddoomiyaha guddiga Ganacsatada Qaadka ee Somaliland Maxamuud Muuse Cige Daa’uus, ayaa waxaa uu shaaciyay in ay si buuxda u joojinayaan Qaadkii uga iman jiray Itoobiya.

Guddoomiyaha guddiga ganacsatada Qaadka oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa sheegay in gabi ahaanba ay ka wareegi doonaan Qaadka Itoobiya, una wareegi doonaan Qaadka Kenya iyo Yemen.

Guddoomiyaha, ayaa arrintan ku sababeeyay kadib markii Kilidhka Afraad iyo Shanaad ee Itoobiya ay Cashuur aan jirin oo dulsaar ah uu midkiiba gaarkii uga qaado caalaa Kiiloo 22 Riyaalka oo lacagta Itoobiya.

Waxaa kaloo uu sheegay in Cashuurtii hore ee dowladda Dhexe ee Itoobiya ay isku qabteen ee laga daayay in hada dib loo soo celiyay oo Kiiloogiiba laga dhigay 10 Dollar.

Hase yeeshee, Guddoomiyaha, ayaa waxaa uu sheegay in Qaadka uga imaada Itoobiya ay si rasmi ah u joojin doonaan bisha koowaad ee sannadka cusub ee 2023-ka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Guddiga Ganacsatada Qaadka Somaliland Maxamuud Muuse Cige Daa’uus, ayaa fariin u diray Xukuumadda Somaliland iyo weliba dhamaan dadka ka ganacsada qaadka.

Ganacsatada qaadka ee Somaliland, ayaa sannadkii 2021-kii joojiyay qaadka Itoobiya, kadib markii ay cabasho ka muujiyeen qiimaha qiimaha qaadka oo ay sheegeen in Itoobiya kordhisay.

Hase yeeshee, Xukuumaddaha Somaliland iyo Itoobiya, ayaa xal ka gaadhay arrinta qaadka, iyaga oo ku heshiiyay in qiimaha qaadka lagu celiyo sidoodii hore.

Wefti ay horkacayeen Wasiirka Gaadiidka iyo Saadka Itoobiya, Dagmawit Moges iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya, Redwan Hussien, oo safar aan la shaacin Hargaysa ku yimid, ayaa xukuumadda Somaliland kala heshiiyay qiimaha qaadka.