Golaha Ammaanka ee Q/M oo Muddo-kordhin u Sameeyey Ciidammada Afrika ee Soomaaliya jooga

New York (aftahannews):- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyay go’aan ay horey u gaadheen Golaha Ammaanka iyo Nabadda ee Midowga Afrika, kaas oo ahaa in dib loo dhigo dhimista 2,000 oo Askari oo ka tirsan Ciidammada Midowga Afrika ee ATMIS illaa 30ka Juun 2023.
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, ayaa iga oo la raacaya war-murtiyeedka uu ansixiyay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika intii lagu jiray shirkii 11 November 2022, ayuu meel-mariyey go’aanka dib loogu dhigay dhimista Ciidammada Midowga Afrika ee Soomaaliya ku sugan.

Qaraar tirsigiisu yahay 2670 (2022), ayaa si wadajir ah loogu ansixiyay dib u dhigista dhimista ATMIS, sidoo kalena waxaa lagu xaqiijiyay in la qaato hab istaraatiijiyadeed oo tartiib tartiib ah, oo lagu ilaalinayo jadwalka bixitaanka ATMIS ee  31ka Diseembar 2024.

Golaha ammaanka ayaa ka codsaday dowladda Soomaaliya inay bixiso warbixin dheeri ah 30ka Abriil 2023, taasoo ay ku jirto qorshe cusub oo ciidan dhisid ah. Sidoo kale waxaa la go’aamiyay in la qabto shir rasmi ah oo looga hadlayo isbadalka Soomaaliya ka dhacaya ugu dambeyn 31-ka March 2023, shirkaas oo ay ka qeyb galayaan Soomaaliya, Midowga Afrika, Midowga Yurub, iyo wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya.

Golaha ammaanka ayaa sidoo kale ku bogaadiyay ATMIS inay door muhiim ah ka ciyaareyso sidii Soomaaliya ay kor ugu qaadi lahayd dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab, in mas’uuliyadaha ATMIS-ka lagala wareego si guul leh, Soomaaliyana ay muhiim u tahay nabada iyo amniga mustaqbalka fog ee dalka.

Dowladda UK oo katirsan dalalka ku jira golaha ammaanka ayaa sheegtay inay ku hanweyn tahay inay gacan dhaqaale ku taageerto Midowga Afrika iyo Soomaaliya dadaalkan, waxayna sheegtay inay sannadkan 2022 55-milyan oo doollar ku bixiyeen ATMIS-ka, halka $8-milyanna uu siiyay Sanduuqa maalgalinta Soomaaliya.