Ilhaan Cumar oo Si Diirran loogu Soo Dhaweeyey Garoowe iyo Deni oo Qaabbilay

Garoowe(aftahannews):- Xildhaan Ilhaan Cumar oo ah Soomaaliyad ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, ayaa maanta booqasho ku timi magaalada Garoowe ee caasimadda Dowlad-goboleedka Puntland.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa qasriga madaxtooyada ku qaabbilay Ilhaan Omar, sida lagu sheegay qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Booqashada oo weli aan si rasmi ah loo shaacin u jeedkeeda ayaa qaadan doonto dhowr maalmood, sida ay sheegtay Puntland. Ilhaan ayaan weli dhankeeda ka hadal booqashada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Xildhibaan Ilhaan Omar oo ka mid ah Congress-ka Maraykanka taasi oo booqasho maalmo ah uga bilowmatay Puntland.

Soo dhoweynta Xildhibaan Ilhaan Cumar waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Ku-simaha Guddoomiyaha Golaha Wakiillada DPL Ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Goleyaasha Dowladda , Saraakiisha Ciidamada, Maamulka Gobolka, Ururada Bulshada iyo Qeybaha Kala duwan ee Shacabweynaha Garoowe.

Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib ayaa sandkii 2018 noqday labadii gabar ee ugu horreeyey ee Muslim ah ee ku biira Aqalka Wakiilada Mareykanka. Ilhaan ayaa sidoo kale noqotay qofkii ugu horreeyey ee Soomaali ah ama ku dhashay Afrika oo Aqalka ka mid noqda.

Ilhaan Cumar, ayaa lagu xasuustaa xafiiltan Siyasadeed meel sare gaadhay oo u dhexeeyay iyada iyo Madaxweynihii hore ee Maraykanka Donald Trump, iyagoo warbaahinta isu marin jiray weedho kulul oo weerar iyo weerar celin ah.