Somaliland oo Ka Jawaabtay Hadal Ka Soo yeedhay Sarkaal Maraykan ah oo Berbera yimi

Berbera (aftahannews):- Dawladda Somaliland, ayaa ka hadashay War aan sax ahayn oo ay Salaasadii soo saartay Haweenay hoggaaminaysay Wefti ka socday Ciidammada Maraykanka ee dalka Jabuuti ku sugan, kuwaasi oo booqasho ku tagay Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ee Somaliland.

Jami Shawley oo ah kabtan ka tirsan Ciidamada Maraykan oo booqatay Magaalada Berbera, ayaa markii ay ka Dhooftay Somaliland waxay Twitter-keeda ku baahisay Qoraal ay ku sheegtay in iyada iyo Weftigeedu ay booqasho ku tageen Berbera oo ka tirsan Somaliland oo ah Soomaaliya, si ay u qiimeeyaan awoodda ay leedahay Dekedda Berbera, si mustaqbalka loogu adeegsado hawlaha la xidhiidha gargaar bani’aadninimo.

Laakiin, Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo Safar shaqo ku tagay Magaalada Berbera, ayaa si dadban uga jawaabay Warka ka soo baxay Kabtanka Maraykanka ah ee booqday Berbera.

Mudane Saylici oo qoraal ku baahiyey Bartiisa Twitter-ka, ayaa sheegay in Somaliland ay Saaxiibbadeeda Caalamiga ah u sheegayaan In Berbera tahay Goob istaraatiiji ah oo ku taalla Jamhuuriyadda Somaliland.

 

 

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan-Saylici oo arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Saaxiibbadayada caalamiga ah (Waxaanu leenahay) Berbera waxay ku taal Jamhuuriyadda Somaliland, waana Deked istaraatiiji ah oo ku taala badda cas…”

Somaliland iyo Maraykanka, ayaa leh xidhiidh wanaagsan oo diblumaasiyadeed, waxayna sannadka dambe ee 2023-ka bilaabayaan iskaashi dhinaca difaaca ah, ka dib markii Labada Aqal ee Baarlamaanka Maraykanku meel-mariyeen xeerka Iskaashiga Somaliland, kaasi oo ay ka dhalanayaan hawlo badan oo Dan u ah Somaliland, maaddaama oo aan la aqoonsanayn.

Ugu dambayn, Hadalka ka soo yeedhay Kabtanka Maraykanka ah ee booqday Dekedda Berbera, ayaa loo arkayaa mid aan sax ahayn oo muujinaya in aan Qofka sheegay la soconin Wecyiga xilligan.