“Qalalaase ayaa ka dhici Somaliland hadii aan la qaban Doorashada Madaxtooyada”

Hargeysa (Aftahannews) – Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu si adag uga horyimid go’aankii Guddiga Doorashooyinka qaranka Somaliland ay shalay ku shaaciyeen wakhtiga la billaabayo diiwaangelinta codbixiyeyaasha Doorashooyinka Madaxtooyada iyo ta axsaabta.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Guddiga Doorashooyinka Somaliland u soo gudbiyeen seddexda xisbi qaran jadwalkii doorashada madaxtooyada ee ay hore u sheegeen in ay 9 billood ku qabanayso.

Guddoomiye, Faysal, ayaa waxaa uu ku hanjabay in habayaraatee aanay aqbali doonin in doorashada ururrada laga hormariyo doorashada madaxtooyada, islamarkaana aanay ogolaan doonin in ay Somaliland ka dhacdo doorasho Qabiil Qabiil ah oo Jilib Jilib ah.

Waxaa kale oo uu sheegay in taageerayaashoodu u qaateen in mucaaradku ay ogolaadeen doorashada ururrada lakiinse aanay taasi jirin, oo aanay marnaba ogolaanayn doorasho aan sharci ahayn.

Geesta kale, Faysal Cali Waraabe, ayaa ku hanjabay in Somaliland qas gali doonto hadii aan la qaban doorashada madaxtooyada, isaga oo sheegay in doorasho aan laysla ogolaynin aanay Somaliland ka dhici doonin.

Arrintan, ayaa imaneysa kaddib markii Guddiga Doorashooyinka Somaliland uu shalay shaaciyay in 28-ka bishan Diisembar la bilaabi doono diiwaan gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka madaxtinimada iyo midda axsaabta.

Si kastaba, Mucaaradka iyo xukuumadda ayaan wali ka heshiin khilaafka ka taagan ta soo horaynaysa doorashada madaxtooyada iyo doorashada ururrada, iyadoona khilaafkoodu marba marka ka dambeysa uu sii xoogaysanyo.