Madaxweynaha Soomaaliya oo u Safray Mareykanka

Washington (Aftahannews) – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefdi hoggaaminayo, ayaa maanta gaadhay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Xasan Sheekh, ayaa ka qeyb geli doona shirka madaxda Afrika iyo Mareykanka oo ka dhacaya magaalada Washington ee waddankaasi, sida lagu sheegay war ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirka, ayaa socon doona muddo saddex cisho ah, sida ay shaacisay Madaxtooyada Soomaaliya oo war ka soo saartay booqashada Xasan Sheekh ee dalka Mareykanka.

Warka Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa lagu sheegay inta uu socdo shirkan, lagaga hadli doono muhiimadda xidhiidhka Afrika iyo Mareykanka iyada oo la xoojinayo dhinacyada iskaashiga, dhaqaalaha, amniga, gargaarka, caafimaadka, dowlad wanaagga, xuquuqul insaanka iyo sidoo kale  isbeddelka cimilada.

Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sidoo kale la filayaa in uu khudbad ka jeediyo madashan, taas oo uu kava hadli doono fursadaha ka jira Soomaaliya, xaaladda guud ee Soomaaliya, gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo hormarada illaa iyo hadda laga sameeyey, sida lagu sheegay warka ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale, Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa warkeeda ku sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya wadahadallo gaar gaar ah iyo kulamo duceedyo uu la yeelan doono madaxda Afrka ee shirka tageysa iyo kuwa martida loo yahay ee Mareykanka.

Waa markii labaad ee uu booqanayo madaxweynaha Soomaaliya Mareykanka, wuxuuna dhowaan kaga qayb-galay shirka golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay oo lagu qabtay magaalada New York.