Jigjiga: Askarigii Dilay Xildhibaan Juweeriya Subcis oo Dil lagu Xukumay

Jigjiga (Aftahannews) – Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, ayaa sheegaya in maxkamadda gobolka Faafan ee Jigjiga ay dil toogasho ah ku xukuntay askarigii loo heystay inuu dilay Allah u naxariistee xildhibaanad Juweyriya Subcis.

Garsooraha maxkamadda gobolka Faafan, ayaa la sheegay inuu xukunkan u cuskaday xeerka ciqaabta ee dalka Itoobiya.

Askarigan oo ka tirsanaa ciidamada federaalka Itoobiya ee gacanta ku hayay ammaanka garoonka magaalada Jigjiga, ayaa 25-kii Oktoobar rasaas ku furay Xildhibaanad Juweeriya.

Juweeriya Maxamed Ibraahim Subcis, ayaa ahayd xildhibaan heer deegaan ah oo laga soo doorto degmada Daratoole ee gobolka Doolo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Rasaasta ay ku geeriyootay Juweeriya dadka ku dhawaacmay waxaa ka mid ah walaasheed Ayaan oo ay Juweyriya ka doontay garoonka diyaaradaha magaalada Jigjiga.