Kulmiye iyo Waddani oo ka hadlay Kulan ay la yeesheen Guddiga doorashooyinka Somaliland

Hargeysa (aftahannews):- Guddiga doorashooyinka ee Somaliland, ayaa maanta kulan la yeeshay Hoggaanka Xisbiyada Qaranka, waxaanay ka wada-hadleen arrimo ku saabsan diiwaangelinta Codbixiyayaasha doorashooyinka dalka oo dhammaadka bishan ka bilaabmaya dalka.

Madaxweynaha Somaliland oo ka jawaabayey qoraal ay u gudbiyeen Komishanka Doorashooyinka, ayaa shalay xeer madaxweyne ku muddeeyey in Diiwaangelinta codbixiyeyaashu dalka ka bilaabmi doonto 28-ka bishan December 2022.

Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa war-saxaafadeed uu galabta soo saaray ku sheegay Guddiga Doorashooyinku ku war-geliyeen Axsaabta Siyaasadda wakhtiga ay dalka ka bilaabmayso diiwaangelinta Codbixiyeyaasha.

“Kulan maanta dhexmaray Guddiga doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo xisbiyada Qaranka dalka, waxa lagaga wadahadlay bilowga hawsha Diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland oo loogu diyaargaroobayo doorashooyinka soo socda ee ay ugu horrayso doorashada Ururrada Siyaasadda.

Komishanku waxay ku wargeliyeen xisbiyada in Diiwaangelinta Codbixiyayaashu bilaabmayso 28ka December 2022, Sidii horeba shalay (11/12/2022) uu Madaxweynaha Qaranku wareegtada ugu soo saaray, isla markaana waxay ku eegtahay 28 January 2023,” sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka oo uu ku saxeexan yahay Afhayeenka Xisbiga Kulmiye.

War-Saxaafadeedka Xisbiga Kulmiye waxa baaq loogu jeediyey Shacabka Somaliland, waxaana lagu yidhi; “Xisbiga Kulmiye waxa uu ugu baaqayaa guud ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaana bah-waynta Xisbiga Kulmiye inay ka qaybgalaan is-diiwaangelinta oo ah xuquuq muwaaddin kastaa gaar u leeyahay, uguna diyaargaroobaan doorashada u soo horreysa ee Ururrada Siyaasadda”.

Ugu dambayn, waxa uu xisbigu la hadlay madaxweynaha Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga, “Xisbiga KULMIYE waxa uu uga mahadcelinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi isku-tashiga uu gaadhsiiyey qabashada arrimaha Doorashooyinka iyo diiwaangelinta ee dhinaca Dhaqaalaha, isagoo Miisaaniyadda Qaranka ka bixiyey doorahadii hore ee Isku-sidkanayd iyo kharashka hadda lagu qabanayo diiwaangelinta.” Sidaas ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka xisbiga Kulmiye ka soo saaray kulanka Komishanka doorashooyinka iyo saddexda Xisbi Qaranka.

Diiwaangelinta Codbixiyeaasha oo muddo hal Bil ah ka socon doonta dalka, ayaa loogu talo-galay inay ka faa’idaystaan Da’yarta qaan-gaadhay wixii ka dambeeyey diiwaangelintii hore, Dadka aan fursadda u helin diiwaangelintii hore, Dadka ay ka lumeen kaadhadhkoodii codbixinta ee hore, Dadkii hore isku diiwaangeliyey, balse aan qaadan kaadhadhkoodii oo hadda fursad u haysata inay qaataan iyo Dadka goobihii hore ee ay iska diiwaangeliyeen hadda u baahan in laga beddelo.

Sidoo kale, Xisbi mucaaradka ah ee Waddani,  ayaa isna qoraal ka soo saaray kulanka Guddiga doorashooyinka Qaranka iyo saddexda Xisbi ee UCID,  Waddani iyo Kulmiye,  waxaanu Warsaxaafadeedka Xisbiga Waddani lagu yidhi sidatan:- 

Xisbiga Waddani