Ganacsatada Qaadka Somaliland oo Shaaciyay Inay Joojinayaan Qaadka Itoobiya

Hargeysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha Ganacsatada qaadka ee Somaliland ee Heer Qaran Maxamuud Muuse Cige Daa’uus, ayaa waxaa uu shaaciyay in ay si buuxda u joojinayaan qaadkii Itoobiya uga iman jiray.

Guddoomiyaha ganacsatada Qaadka Somaliland oo u waramay Warbaahinta Aftahannews, ayaa sheegay in gabi ahaanba ay ka wareegayaan qaadka Itoobiya, una wareegi doonaan Qaadka Kenya.

Guddoomiyaha, ayaa arrintan ku sababeeyay kadib markii Kilidhka Afraad iyo Shanaad ee Itoobiya ay Cashuur aan jirin oo dulsaar ah uu midkiiba gaarkii uga qaado caalaa Kiiloo 22 Riyaalka Itoobiya.

Waxaa kaloo uu sheegay in Cashuurtii hore ee dowladda Dhexe ee Itoobiya ay isku qabteen ee laga daayay in hada dib loo soo celiyay oo Kiiloogiiba laga dhigay 10 Dollar.

“Waxaanu go’aansanay kadib markii labada Kilidh uu midkiiba lacag aan hore u jirin oo 22 Bir ah uu Kilidhkiiba Calaa Kiiloo nooga qaado 22 Riyaal, waxaana nalagu yidhi cashuurtii dowladda dhexe ee Elsiiga 10 dollar Kiiloogii ku soo shuba, taasi oo aanan qaadi karayn”. ayuu yidhi Guddoomiyaha Ganacsatada qaadka ee Somaliland ee Heer Qaran Maxamuud Muuse Cige Daa’uus.

“Sidaa aawadeed ayaanu ku joojinaynaa Qaadkii Itoobiya aanu ka keeni jirnay, waxaanan doonaynaa inaan ku bedelno Qaadka Kenya, wakhtiga aanu joojinayno dib ayaanu ka soo sheegi doonaa.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.