Maraykanka oo Xidhay Nin loo haytsto Weerarka Diyaarad ku Burburtay Lockerbie 1988-kii

Washington (aftahannews):- Waaxda Caddaaladda ee Maraykanka, ayaa sheegtay in hay’adda dembi-baadhista ee FBI inay gacanta ku hayaan sarkaal ka tirsanaa Sirdoonka Liibiya oo loo haysto inuu sameeyey bambkii soo riday, diyaaraddii rakaabka ee Maraykanku lahaa ee sannadkii 1988-kii.

Diyaaradda, ayaa ku burburtay magaalada yar ee Lockerbie ee ku taalla Scotland. Sarkaalkan, ayaa loo soo gacan geliyey dawladda Maraykanka, waxaana haatan la qorshaynayaa in maxkamad la saaro.

Ninkan oo lagu magcaabo Abu Agela Mascud Kheir al-Marmimi ayaa xadhigiisu ka dambeeyey, ka dib dedaal muddo socday oo la doonayey in caddaaladda lagu horkeeno, si loogu maxkamadeeyo dembiga loo haysto. Laba sano ka hor ayay ahayd markii xeer ilaaliyaha Maraykanka ee xilligaas William Bar, uu ku dhawaaqay dembiyo lagu soo eegayo eedaysane Mascud, iyada oo loo hayso inuu farsameeyey bamkii ku qarxay diyaaradda la soo riday.

QARAXII LALA BEEGSADAY DIYAARADDII KU BURBURTAY SCOTLAND, 1988

Eeddan ayaa daba socota, diyaar rakaab ah oo bishii December 21-keedii, sannadkii 1988-kii lagu soo riday gobolka Scotland ee dalka Ingiriiska, waxaana diyaaraddaas oo laga lahaa Maraykanka, lagu magcaabi jiray Pan Am. Diyaaraddan ayaa burburtay ka dib markii uu qarxay bam saarnaa, waxaana taasi ay keentay inay burburto oo ay dhintaan 259 rakaab ah oo saarnaa oo ay ku jiraan 190 muwaadin oo u dhashay Maraykanka iyo weliba 11 qof oo kale oo ku dhintan goobtii ay diyaaraddu ku soo dhacday.

Duulimaadkaas oo tirsigiisu ahaa 103 ayaa ka soo duulay magaalada London isaga oo u soo socday magaalada New York, wuxuuna noqday mid ka mida duulimaadyadii ugu dhimashada badnaa ee ka dhaca dalka Ingiriiska.

Illaa haatan xogbadan lagama hayo, cidda Maraykanka u soo gacangelisay sarkaalkan ka tirsan sirdoonka Liibiya.

SIDEE LAGU OGAADAY IN MASCUD KA DAMBEEYEY WEERARKA?

Mascuud ayaa sannadkii 2012 wuxuu u sheegay sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka ee Liibiya, inuu ka dambeeyey weerarka lagu soo riday diyaaradda. Saraakiisha Maraykanka ayaa shan sano ka dib waxay ogaadeen qirashada uu sameeyey sarkaalkani, iyaga oo markaas ka dib waraystay sarkaalka uu la hadlay Mascuud, arrintaas ayaana keentay in saraakiisha Maraykanku ay diyaariyaan eed ka dhan ah Mascuud.

Sida ay sheegeen saraakiisha Maraykanka ee waraystay saraakiisha Liibiya, Mascuud ayaa u sheegay laamaha ammaanka ee Liibiya, inuu isagu farsameeyey bamka, isaga oo la shaqaynaya labadii qof ee weerarka fuliyey. Hase ahaatee wuxuu ku dooday in hawlgalkan ay amreen hay’adda sirdoonka ee Liibiya, iyada oo madaxweynihii hore ee dalkaas Mucamar al-Qadaafi uu uga mahadnaqay hawlgalka, isaga iyo xubnaha kaleba.

YAA KALE OO LAGU EEDEEYEY WEERARKA?

Mascuud ayaa noqonaya qofkii saddexaad ee dacwad lagu soo oogo, ee loo haysto weerarka diyaaraddan, iyada oo hore maxkamad loo saaray al-Megrahi iyo al-Amin Khalifa Fhimah, kuwaas oo dacwad lagu soo oogay sannadkii 1991, hase ahaatee dawladdii Liibiya ee xilligaas ayaa diiday codsiyo uga yimi Maraykanka iyo Ingiriiska oo ku aaddan inay u soo gacan geliyaan labadaas eedaysane.

Al-Megrahi ayaa mardambe la xidhay, waxaana lagu xukumay xabsi daa’in.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in Mascuud uu u safray Malta, isaga oo xubnaha weerarka fulinayey halkaas ku guddoonsiiyey shandada uu ku jiray bamku. Al-Megrahi iyo Fhimah ayaa u sheegay Mascuud, inuu bamka u sameeyo xilli go’aan oo uu qarxo, si uu u qarxi karo xilli diyaaraddu ay hawada ku jirto.

Qaybo ka mida macluumaadka ku jira warkan waxaa laga soo xigtay AP, VOA iyo Reuters.