Heshiis Dhexmaray Madaxweyneyaasha Somaliland iyo Soomaaliya oo Kulan ku Yeeshay Jabuuti

Jabuuti- (aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Naxamyyayaa la sheegay inay isla qaateen dib u bilaabida wada hadaladii labada dhinac.

Sida laga soo xigtay xogo rasmi ah oo Telefishanka Saab helay sheegayaan labada Madaxweyne  oo kulan ku yeeshay dalka Jabuuti shalay galab ayaa la sheegay inay isla qaatay in kulanka ugu horeeya noqodo mid heer madaxweyne ah, isla markaana kulanka koowaad la iskula qaato ajendaha wada hadalka labada dhinac yeelan doonaan, iyadoo beesha caalamku goobjoog ka noqonayso.  

Kulanka oo ay soo fududeysay hay’ada xallinta khilaafaadka siyaasadeed ee caalamka (Centre for Humanitarian Dialogue HD) ayaa la sheegay in labada Madaxweyne isla qaateen in degdeg loo bilaabo wada hadalka labada dhinac.

Xogaha kulanka ayaa intaa raaciyey in labada dhinac ka dalbadeen Hay’adda xalinta khilaafaadka iyo beesha caalamka gacan ka geystaan, isla markaana  ka soo shaqeeyaan fududeynta iyo abaabulka sidii dib loogu bilaabi lahaa wada hadalada.

Kulanka dhexmaray labada Madaxweyne ayaa la sheegay inay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland Dr Ciise Keyd Maxamuud, Wasiiru-Dawladaha Madaxtooyadda Soomaaliya Abshir Bukhaari iyo Dr Cabdillahi Maxamed cumar oo ka socday Hay’adda Xallinta Khilaafaadka Siyaasadeed (HD).

Labada dawladood ee Somaliland iyo Soomaaliya ayaan midkoodna wax war ah ka soo saarin kulanka ay yeesheen, inkastoo maalmaha soo socda la eegi doono.

Kulanka labada Madaxweyne, ayaa imanaya xilli maalmahii u dambeeyey ay kulamo la yeesheen labada dhinac wefdi ka socday dalalka Turkiga iyo Norway ku doonayeen sidii labada dhinac dib ugu bilaabi lahaayeen wada hadaladii u dhexeeyey oo in muddo ah hakad galay.