Mudanayaal Baarlamaannada Ingiriiska iyo Mudawga Yurub ka tirsan oo taageeray Qaddiyadda Somaliland

“Hadday tahay codka Golaha deegaanka Sheffield iyo codkayga Xildhibaan ahaan waan ku biirinnay sidii loo ictiraafi lahaa Somaliland…”Xildhibaan Paul Blomfield oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska

“Xilligan waxaan doonaynaa inaan farriintii Golaha deegaanka Sheffield wada gaadhsiinno… Baarlamaanka Midowga Yurub in Somaliland u qalanto aqoonsi caalami ah.” Xildhibaan Linda McAvan oo ka tirsan Xildhibannada Baarlamaanka Midowga Yurub

“Waxaan rejeynayaa inaan booqasho ku imaaddo Somaliland dhammaadka sannadkan…” Xildhibaan Mohammed Maroof

Bristol(Aftahannews):- Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka dalka Ingiriiska iyo Midowga Yurub, ayaa sheegay inay farriinta madax-bannaanida Somaliland gaadhsiin doonaan magaalooyinka Ingiriiska iyo Baarlamaanka Yurub, isla markaana shaaciyey inay taageerasan yihiin qaddiyadda Somaliland.

Xildhibaannadan ka hadlay Somaliland ayaa shacabka iyo dawladda Somaliland u rejeeyey inay sannadkan ka xiga ku gaadhaan nabad, horumar iyo madax-bannaani buuxda oo dalkoodu helo. Waxaanay sheegeen inay Somaliland u qalato in la aqoonsado, isla markaana ay arrintaas kala shaqaynayaan Somaliland iyo shacabkeeda.

Xildhibaan Paul Blomfield oo ka tirsan Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa mahad-naq u soo jeediyey shacabka Somaliland xuska 23-guuradooda ee munaasibaddii 18-ka May, waxaanu yidhi; “Waan ku faraxsanahay inaan hambalyo uga diro magaalada Sheffield shacabka iyo Xukuumadda Somaliland ku saabsan munaasibadda 18-ka May.”

Md. Blomfield, ayaa sheegay in beesha caalamku ka baaqsatay aqoonsiga horumarka Somaliland gaadhay, Xildhibaankan oo arrintaa ka hadlayaana waxa uu yidhi; “Hadday tahay codka Golaha deegaanka Sheffield iyo codkayga Xildhibaan ahaan waan ku biirinnay sidii loo ictiraafi lahaa Somaliland. Waxaan rejaynayaa in sida ugu dhaqsaha badan uu ku yimaaddo aqoonsiga Somaliland.”

Xildhibaan Linda McAvan oo ka tirsan Xildhibannada Baarlamaanka Midowga Yurub, ayaa sheegtay inay ku farxsan tahay dabbaal-degga Munaasibadda 18-ka May, muddo dheerna la soo shaqaysay Jaaliyadda reer Somaliland ee ku nool magaalada Sheffield, Haweenaydaas oo sannado horteedna qaddiyadda madax-bannaanida Somaliland u bandhigtay Baarlamaanka Midowga Yurub, waxay tidhi; “Waa farxad hambalyeynta munaasibadda 18 May, anigoo muddo dheer wada-shaqeynaynay Jaaliyadda reer Somaliland ee Sheffield, sidoo kalena sannado horteed aniga iyo xubno Jaaliyadda ah ugu socdaalay Baarlamaanka Midowga Yurub sidaan qaddiyadda madax-bannaanida ugu bandhigi lahayn.”

Ms. Linda, ayaa sheegay in tallaabadii uu qaaday Golaha deegaanka Sheffield ee aqoonsiga madax-bannaanida Somaliland ay ku baahin doonaan guud ahaan magaalooyinka Ingiriiska, waxaanay tidhi, “Xilligan waxaan doonaynaa inaan farriintii Golaha deegaanka Sheffield wada gaadhsiinno guud ahaan Ingiriiska iyo Baarlamaanka Midowga Yurub in Somaliland u qalanto madax-bannaani, lana siiyo aqoonsi caalami ah.”

Sidoo kale, Xildhibaan Mohammed Maroof oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha deegaanka Sheffield, ahaana Xildhibaankii soo diyaariyey qaraarkii Golaha deegaanka magaalada Sheffield ku aqoonsaday madax-bannaanida Somaliland, ayaa sheegay inuu la qeybsanayo shacabka reer Somaliland meelkasta oo ay joogaan farxadda 23-guuradooda ee 18-kii May loo dabbaal-degay.

 “Waan idinku hambalyeynayaa munaasibadda maalintii xornimadiinna, waan idinla qeybsan lahaa, laakiin waxaan ku jiraa ololahii doorashada, balse waxaan rejeynayaa inaan booqasho ku imaaddo Somaliland dhammaadka sannadkan.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Mohammed Maroof.

Xigasho Wargeyska Himilo.