Shirkadda Hormuud oo War kasoo saartay Qaraxyadii lagu Burburiyay Xarunteeda

Muqdisho (Aftahannews)- Shirkadda isgaadhsiinta ee Hormuud Telecom, ayaa sheegtay in mid ka mid ah xarumihii ay ku shaqeyn jirtay iyo taawar isgaadhsiineed uu ku burburay Qarax ka dhacay deegaanka Qaayib oo ka tirsan maamulka Galmudug.

Shirkadda, ayaa war-saxaafadeed ku sheegtay in gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu burburiyay xarunta iyo taawarka, Isniintii shalay.

“Waa arrin murugo leh in aan macaamiisheena ku wargelino in weerar gaadhi qarax laga soo buuxiyay lagu burburiyay goob aan ku leenahay deegaanka Qaayib ee gobolka Galguduud,” ayay shirkaddu ku tiri qoraal ay soo dhigtay Twitter-ka.

Shirkadda Hormuud waxay sheegtay inay arrintan saamayn ku yeelatay 14,000 qof, kuwaas oo gebi ahaanba waayay adeegyadii shirkada ay ka heli jireen, waxayna sheegtay inay si degdeg ah u soo celin doonto.

Ururka Al-shabaab oo shalay weerar ku qaaday tuulada Qaayib, ayaa qarax ku burburiyay xarunta shirkadda Hormuud.

Lama oga sababta ka dambeysa, hase yeeshee waxay arrintan ku soo beegantay xilli uu soo shaac baxay khilaaf u dhaxeeya Al-shabaab iyo shirkadaha waawayn ee Soomaaliya, kadib markii dowladdu ay sheegtay inay xannibtay dhaqaale Al-shabaab u yaalay bangiyada Soomaaliya.