Maxay ka Wadahadleen Wasiir Kaahin iyo Wakiilka UNDP?

Hargeysa (Aftahannews)- Wasiirka wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan la qaatay Wakiilka Hay’adda UNDP ee Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya Jocelyn Mason.

Kulankan, ayaa lagaga wadahadlay mashaariicda ay ka wada shaqeeyaan Hay’adda UNDP iyo wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland.

Iyadoo la isla eegay mashaariicdii socotey oo soo dhamaatay iyo mashaariicda cusub ee bilaamaysa sanadkan 2023 ka.

Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland iyo Hay’adda UNDP, ayaa ka wada shaqeeya laba mashruuca oo ay hogaamiso Wasaaradda Arimaha Gudaha, kuwaasoo kala mashruuca maamul Daadejinta Dawladaha Hoose ee JPLG.

Kaasoo si wayn uga shaqeeya Degmooyinka Dalka iyo mashruuca saraynta sharciga (Rule Of Law), kaasoo isna dhinaca Booliska lagu taageero iyo Hay’addo kale oo Dawlada ah oo iyana ku jira mashruuca saraynta sharciga.

Kulankan, ayaa ku soo dhamaaday isfaham, iyadoo la isla gartay in la xoojiyo wada shaqaynta iyo Dardar-gelinta mashaariicda socota, kulankan waxaa Wasiirka ku wehelinayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil iyo Agaasimaha Guud ee Amniga Ibraahim Cali Ismaaciil.

Wakiilka Hay’adda UNDP, ayaa waxaa kulankan ku wehelinayey Kuxigeenka Hay’adda UNDP ee dhinaca mashaariicda Mrs, Sophie Marsham, Samiira Hassan oo ah madaxa Xafiiska UNDP ee Hargeysa iyo Cabdisalaan oo ah madaxa Mashruuca Saraynta sharciga ee (Rule of Law).