Dowladda Soomaaliya oo sheegatay Dilka 100 Al-Shabaab ah

Ururka Al-shabaab

Muqdisho (Aftahannews)- Saraakiisha Milateriga Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo maleeshiyada deegaanka oo iskaashanaya ay ku dileen ugu yaraan 100 ka mid ah maleeshiyada ururka Al-Shabaab dagaal shalay ka dhacay deegaanka Ceel Hareeri ee gobolka Hiiraan.

Afhayeen u hadlay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdullahi Cali Caanood oo Muqdishokula hadlay warbaahinta dowladda Soomaaliya, ayaa sheegay in maleeshiyadaasi Al-Shabaab lagu dilay intii uu socday howlgal ballaadhan oo ay ciidamada isgarabsanaya qaadeen.

Taliyaha Guutada 16-aad ee ciidamada Danab ee dowladda Soomaaliya Major Axmed Cabdullaahi Beeryare, oo isna kula hadlayay wariyeyaasha gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in tirada maleeshiyada Al-Shabab ee ay ku dileen dagaalka ay ka badan karto 200.

Ciidamada Danab, ayaa sheegay inay qabsadeen deegaankii lagu dagaalamay ee Ceel Hareeri, halkaas ay sheegeen in maleeshiyo ka tirsan Al-Shabaab ay duulaan ka soo abaabulayeen.

Dowladda Soomaaliya, ayaa tobaneeyo ka tirsan meydad ay ku sheegeen Al-Shabaab u soo bandhigtay warbaahinta.

Saraakiisha dowladda waxay sheegeen in weerarka ay ka qeyb qaadatay diyaarad Drone ah, inkastoo aaney sheegin cidda iska laheyd.

Waxay sheegeen saraakiishu in weerarka ay qaadeen kadib markii ay sii heleen xogta ku saabsan in Al-Shabaab ay isku urursanayeen deegaankaas.

Dhinaca kale, saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee ku suggan deegaanka Masaajidka Cali Gaduud, ayaa sheegay inay burburiyeen gaadhi walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo la doonayay in lagu soo weeraro mid ka mid ah fadhiisimadooda deegaankaas.

Afartii bilood ee la soo dhaafay dagaal ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo dadka deegaanka ku hayeen Al-Shabaab waxaa lagaga qabsaday ku dhawaad dhamaan deegaanaddii ay kaga sugnaayeen gobolka Hiiraan.

Sarakiisha dowladda Soomaaliya waxay aaminsanyihiin in ku dhawaad 100 ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab ah lagu dilay dagaaladaas.

Dhawaan ayay aheyd markii Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre uu sheegay inay u aargudayaan dadkii ay Al-Shabaab ku laysay qaraxyaddii 29-kii October ee ay ku dhinteen dad 100 ka badan 300 ka badanna ay ku dhaawacmeen.