Warmurtiyeed laga soo saaray Shirkii Golaha Wadatashiga Qaranka Soomaaliya

Muqdisho (Aftahannews)- Waxaa maanta lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho shirka Golaha wadatashiga Qaran ee u dhaxeeyay madaxda dowladda Fedaraalka Soomaaliya, kuwa maamul goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, kaasoo socday mudo afar maalmood ah.

Golaha wadatashiga qaran Soomaaliya, ayaa goordhaw oo maanta ah soo saaray war murtiyeed ka kooban ilaa shan qodob oo ay ka mid ah yihiin sugidda Amniga, la dagaalanka Al-shabaab, dardar gelinta dib u eegista Dastuurka, Dimoqraadiyeynta iyo Doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxda wadatashiga qaran, ayaa isku raacay in Soomaaliya laga dhaqan geliyo nidaamka Xisbiyada Qaran, islamarkaana dalka laga hirgeliyo doorashooyin xor ah, hufan oo ku saleysan cod bixiyeyaal diiwaan gishan iyo Xisbiyo u tartama golayaasha heerarka kala duwan, Waxaana Golaha Wadatashiga Qaran sidoo kale ay isku raaceen in la qabto labo doorasho, mid heer Federaal iyo dowladaha Xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warmurtiyeedka, ayaa sidoo kale waxaa tacsi tiiraanyo leh loogu diray dhamaan ehalada dadkii ku geeriyooday qaraxyadii khasaaraha badan geystay ee 29-kii bishan Oktoobar ka dhacay afaafka hore ee Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ee ku taala Soobe.

Gabagabadii madaxda golaha wadatashiga qaran, ayaa ku balamay in shirarka soo socda ee Golaha ay qabsoomi doonaan bisha Desembar ee sanadkan 2022, iyo bisha February ee sanadka soo socda ee 2023-ka.

Hoos ka akhriso Warmurtiyeedka oo dhameystiran:-