Ruushka oo ka baxay heshiiskii Qaramada Midoobay ee dhoofinta qamadiga Ukraine

Moscow (Aftahannews)- Xukuumadda Moscow, ayaa hakisay dhaqan-gelinta heshiiskii dhoofinta qamadiga ee ay gadhwadeenka ka ahayd Qaramada Midoobay, kaas oo oggolaaday in ka badan 9 milyan oo tan oo qamadi ah laga dhoofiyo dalka Ukraine, taas oo gacan ka geysanaysa yaraynta dhibaatada cuntada adduunka iyo hoos u dhigista qiimaha.

Wasaaradda Difaaca ee Ruushka, ayaa sheegtay in aanay sii dammaanad qaadi doonin badqabka maraakiibta xamuulka ah ee ka qeyb qaadanaya heshiiskii Qaramada Midoobay, iyadoo sabab uga dhigaysa ka bixitaankeeda weerar lagu eedeeyay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay ku qaadeen maraakiibta Ruushka ee Badda Madow ee ku sugan xeebaha Crimea ee Ruushku heysto.

Ruushka, ayaa sheegay in weerarkan uu dhacay subaxnimadii hore ee Sabtida; Ukraine ayaa beenisay weerarka.

“Marka la eego ficillada ciidamada qalabka sida ee Ukraine … dhinaca Ruushka ma dammaanad qaadi karo badbaadada maraakiibta shixnadaha qalalan ee rayidka ah ee ka qayb qaadanaya hindisaha Badda Madow, waxayna joojinayaan dhaqangelintooda laga bilaabo maanta muddo aan xadidneyn,” ayaa lagu yidhi bayaanka Ruushka.

Ku dhawaaqida Ruushka, ayaa timid maalin kadib markii Xoghayaha Guud ee Qarmada Midoobay Antonio Guterres uu ku boorriyay Ruushka iyo Ukraine inay cusbooneysiiyaan heshiiska dhoofinta qamadiga.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy, ayaa tallaabada Ruushka ku tilmaamay mid la saadaalin karay.

Waxa uu Moscow ku eedeeyay inay ” xannibtay” maraakiibta sida cunnada tan iyo bishii Sebtembar, sida ay qortay wakaaladda wararka ee Associated Press. Waxa uu sheegay Zelenskyy in xilligan 176 markab oo badda ku jirta ay sidaan in ka badan 2 milyan oo tan oo cunto ah.