Xildhibaan Macallimu oo shaaciyay cidda Al-Shabaab qaraxyada u soo gelisa Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews)- Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macallimu oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, ayaa shaaca ka qaaday xog ku saabsan weerarada qaraxyada ah ee ay Al-Shabaab ka geysato gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Macallimu, ayaa sheegay inay jirto wada shaqeyn ka dhaxaysa kooxda Al-Shabaab iyo qaar ka mid ah saraakiisha laamaha amniga dowladda, sida uu hadalka u dhigay.

Xildhibaanka oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook, ayaa sheegay in ay jiraan rag saraakiil oo Al-Shabaab qaraxyada uga soo gudbiya baraha koontarool ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, wuxuu intaasi ku daray in shacabka lagu dhibo barahaas koontarool, balse Al-Shabaab si fudud loogu soo gudbiyo qaraxyada.

“Saraakiisha amniga ee qaraxyada gudbiya, daaraha waaweyn dhista, waxa ay ka xun yihiin Khawaarijta laayaanka ah. Shacabka baraha koontorool dhib bay ku soo gudbaan, qaraxyadana si fudud” ayuu warka qoraalka ah ee uu soo saaray ku yidhi Macallimu.

Hadalkan oo ah mid xasaasi ah, ayaa ku soo beegmaya maalin kadib qaraxyadii gilgilay agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay dhimashada dad kor u dhaafaya ilaa 100 qof iyo dhaawaca 300 oo kale, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya.