Somaliland oo Puntland kala wareegtay deegaan muhiim ah

Boocame (Aftahannews)- Wararka hada naga soo gaadhaya degmada Boocame ee gobolka Sool, ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada qaranka Somaliland ay saaka la wareegeen deegaankaasi.

Ciidamada qaranka Somaliland oo aad u tiro badan isla-markaana watay gaadiidka nooca dagaalka iyo Hubka culus ee noocyadiisa kala duwan, ayaa markii ay la wareegeen deegaankaasi ka samaystay saldhig.

Ciidamada qaranka Somaliland, ayaa markii ay degmada Boocame gaadheen waxaa si diiran u soo dhaweeyay dadka deegaanka oo sita Calanka Somaliland.

Dadka degmada Boocame, ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin in Ciidamada qaranka Somaliland ay yimaadaan degmada, iyadoona wajiyadooda laga dareemayay farxad weyn.

Geesta kale, Ciidamo ka tirsan maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland oo ku sugnaa deegaankaas, ayaa gebi ahaanba iskaga cararay deegaankaasi, kadib markii ay Ciidamada Somaliland ay soo galeen deegaankaasi.

Degmada Boocame 60km u jirta magaalada Garoowe ee maamul goboleedka Puntland, ayaa noqonaysa deegaankii u dambeeyay ee ay Somaliland gacan ku haynteeda la wareegto, iyadoo ay hore ula wareegtay deegaano kale.