Somaliland: Saamaynta Xannuunka Xumadda, Moogganaanta Wasaaradda Caafimaadka iyo Buux-dhaafka Cusbitaallada

Hargeysa (Aftahannews)- Shacabka Somaliland, ayaa waajahaya khatarta Xanuunka Xumadda oo saamayntiisa soo if-baxday labadii bilood ee u dambeeyey.

Xanuunka Xumadda oo la sheegay inay sababto nooc ka mid ah Kaneecadu, ayaa si aad ah ugu faafay Gobollada iyo degmoyinka Somaliland, waxaanu ku dhacayaa Qaybaha kala duwan ee Bulshada, sida Carruurta, Dumarka Hooyooyinka ah, Waayeelka iyo dhallinyarada.

Xanuunkan oo khatartiisu badan tahay, ayaa qofka uu ku dhaco wuxuu ka abaarayaa dhiigga, isagoo la dagalaamaya Xinjirowga dhiigga, taasi oo keenaysa In dadka qaar uu Sanka dhiig ka yimaaddo, halka uu qaarkoodna Madaxa kaga samaynayo Xinjir, taasi oo sababaysa in Qofku uu si deg-deg ah Koomo u galo.

Xanuunkan oo la sheegay inuu labadii bilood u dambeeyay uu Dadkii ugu badnaa ku dilay Somaliland, ayaa illaa hadda ku fidaya xawaare sare, waxaana Cisbitaallada Dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay buuxiyey bukaano la il-daran Xanuunka Xumadda.

Tusaale ahaan, Hargeysa oo ah Caasimadda Somaliland isla-markaana ka mid ah Magaalooyinka uu dadka ugu badan ku soo ritay, waxa buuxsamay Cisbitaalkeeda guud.

Maaddaama oo dadka qaba  xanuunkan ee Cisbitaalka la keenayaa badan yihiin, waxa buuxsamay Sariirihii yaallay Waadhadhka Cisbitaalka, taasina waxay keentay in Dadka la jiifiyo Waadhadhka dibeddooda, si ay dhakhaatiirtu ugu adeegaan isla-markaana loola tacaalo xaaladahooda Caafimaad, taasi oo muujinaysa heerka uu Xanuunku ka marayo Dalka iyo dhibaatada uu Bulshada ku hayo.

Xanuunkan Xumadda oo aan illaa hadda loo haynin daawo Rasmiya ah oo lagula dagaalamo, ayaa dhakhaatiirtu waxay si ku meel-gaadh ah bukaannada u siiyaan Daawada loo Yaqaano ‘Baarasimool’, taasi oo u qaybsanta Irbad iyo Kiniin, halka dadka aadka u darana lagu rakibo Insuliin.

Inkasta oo xanuunkani uu dalka geliyey xaalad khatar ah, waxaan illaa hadda si faahfaahsan uga war-bixin isla-markaana aan bulshada wacyi-gelin siinin Masuuliyiinta Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka JSL, balse Dadweynuhu waxay isku maaraynayaan si iskood ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa xilligan ay dadkii dalkiisu khatarta waajahayaan ku  mashquulsan safarro siyaasadeed oo uu ku marayo Gobollada bariga Dalka, isagoo ka qayb-qaadanaya dhaqdhaqaaqyo uu Xisbiya haya talada Somaliland halkaa ka wado, halka Agaasimihii guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye uu dalka dibeddiisa socdaal ku joogo.

Muxuu Yahay Xannuunka Xumadda

Laga soo bilaabo bilowga sannadkii 2020-kii waxa guud ahaan dunida saamayn taban ku yeeshay caabuqa CoronaVirus oo sababa cudurka Covid-19 oo galaaftay nolosha malaayiin qof oo dunida ku nool halka dhaqaalaha iyo isku-socodka dunidana uu saamayn si weyn loo dareemay ku yeeshy.

Somaliland waxa ay dunida kala mid ahayd saamaynta xannuunka  oo galaaftay nolosha dad badan, in kasta oo tirada dadka xannuunka u dhintay ama uu haleelay ka badnayd tirakoobka guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadku haysay, maxaa yeelay dalka kama jirin baraarugsanaan guud ee shacabku ka haysteen saamaynta xannuunka iyo wacyigelin wakhtigeeda ku soo beegantay ama mid ku filan oo dadka la wada gaadhsiiyey.

Si kasta oo uu dedaal loo sameeyey, si kasta oo wasaaradda Caafimaadku uga gaabisay doorkii looga baahnaa ama saamayn kasta oo xannuunku ku yeeshay bulshada iyo dhaqaalaha dalkaba, horaantii sannadkan 2022-ka ayaa saamaynta cudurkan iyo faafitaankiisu hoos u dhacay gudaha Somaliland iyo caalamkaba.

Haddaba, iyadoo lagu gudo-jiro ka soo kabashada xannuunkaas, waxa dhowrkii bilood ee u dambeeyey soo if-baxay xannuun xambaarsan xummad ka xoog badan saamayntii lagu arkay cudurka Covid-19, waxaanay dadku u qaateen inuu yahay soo-laba-kaclaynta nooc kale cudurka Covid-19 ah.

Xannuunkan oo sumaddiisa ama magac-bixintiisu ku koobnayd oo kaliya Xummad xad-dhaaf ah oo xataa Wasaaradda Caafimaadka Somalilland war-moog ka ahayd, kuna guul-darraysatay inay xog-rasmi ah ka soo saarto labadii bilood ee u dambeeyey oo dad badani u geeriyoodeen, waxa ay ahayd uun labadii toddobaad ee u dambeeyey markii wasaaadda Horumarinta Caafimaadku ku baraarugtay sida xannuunkan xumaddu u soo ritay uguna faafay bulshada dhexdeeda, kaddib markii uu buux-dhaafay cusbitaalka Guud ee Hargeysa oo dad badan oo Cirroole iyo Carruurba isugu jira loo dhigay.

Wasaaradda Caafimadka ee Somaliland, ayaa toddobaadkii hore war ka soo saartay xannuunka xumadda, waxaana lagu soo qaaday shirka toddobaadlaha ah ee Wasaaradda Caafimaadka oo lagaga hadlo xaaladaha deg-degga ah ee khuseeya caafimaadka, waxaanay wasaaraddu soo saartay qodobbo xambaarsan wacyi-gelin bulshada loogu sheegay in Kaneecadu sabab u tahay isla markaana ay gudbiso xannuunkan. Waxa kale oo wasaaradda Caafimaadku sheegtay in xannuunka loo yaqaanno Dengue Fever.

Tallaabada Wasaaradda Caafimaadku qaadday ee ku saabsan in bulshadu ku baraarugto ama fahamto nooca ay tahay ama waxa sabab Xanuunka Xumadda, ayaa ka dambaysay kaddib markii warka ku saabsan xannuunkan iyo saamaynta uu bulshada ku hayo lagaga dooday Golaha Guurtida Somaliland 9-kii bishan October, taas oo ku beegnayd saddex maalmood ka hor wakhtiga wasaaradda horumarinta Caafimaadku soo saartay wacyi-gelinta ku saabsan xannuunkan.

In kasta oo aanan ahayn Khabiir caafimaad ama suxufi diyaariya barnaamijyada caafimaadka, haddana, waxa aan jeclaystay in aan halkan idinkula wadaago tarjumaad aan ku sameeyey farriimo caafimaad oo ku saabsan xannuunkan Qandhada Dengue (Dengue Fever) oo aan ka soo xigtay mareegta hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO si inta karaankayga ah aan bulshada Somaliland u gaadhsiiyo xog ku saabsan astaamaha xannuunkani leeyahay, sida looga hortagi karo iyo xilliga ku habboon in qofku u baahan yahay inuu dhakhaatiirta la xidhiidho.

Maxaa Laga Ogyahay Xumadda Dengue?

Xumadda ama Qandhada Dengue waa cudur ay kaneecadu keento, waxaanu inta badan ka dillaacaa Dhulka Kulaylka ama haddii aynu si kale u dhigno Waddamada dunida ee ku yaalla Dhul-badhaha ama kuwa ku yaalla Kulaylaha Woqooyi iyo Kulaylaha Koonfureed. Xannuunkani kuma badna dhulka qabowga ah. Qandhada Dengue marka ay meel-dhexaadka tahay, waxa ay sababtaa xumad xoog ah iyo calaamado kuwa hargabka oo kale ah. Balse waxa jira marka ay sii xoogaysato Xumaddani oo loo yaqaano Hemorrhagic Fever (Xumadda Dhiig-baxa), waxay sababtaa dhiig-bax daran, hoos u dhac degdeg ah oo ku yimaadda Cadaadiska Dhiigga iyo xataa Dhimasho. Astaamaha nooca dambe ee xannuunkan waxa lagu arkay magaalada Hargeysa oo Dad isugu jira waayeel iyo Dhalinyaroba ugu geeriyoodeen, kaddib markii Afka iyo Sanka Dhiig ka yimi.

Sannad kasta waxa dunida ka dhaca malaayiin xaaladood oo ah caabuqa Dengue, waxaanay xumaddani ku badan tahay dalalka Koonfur-bari ee Qaaradda Eeshiya, Galbeedka Jasiiradaha ku yaalla bad-weynta Pacific, dalalka Latin America iyo qaarkaad Afrika. Haseyeeshee, sannadihii u dambeeyey waxa uu xannuunku ku sii fiday meelo cusub oo ka mid ah qaaradaha Yurub iyo Koonfurta dalka Maraykanka.

Ilaa hadda ma jiro tallaal u gaar ah xannuunkan, balse khubarada caafimaadka adduunku wali way ku hawlan yihiin tallaalka xumadda Dengue. Xalka kaliya ee wakhtigan loo hayo ama meelaha xilligan ay ku badan tahay qandhada Dengue, siyaabaha ugu fiican ee looga hortagi karo xannuunka, ayaa ah in laga hortago qaniinyada kaneecada iyo in la qaado tallaabooyin lagula dagaalamayo taranka kaneecada.