Shirkadda Dahabshiil oo $500,000 ugu Deeqay Dadkii ku waxyeeloobay Qaraxyadii Muqdisho

Muqdisho (Aftahannews)- Shirkadda Dahabshiil Group, ayaa Lacag dhan $500,000 (Shan Boqol oo Kun oo Doollar) ugu deeqay Dadka ku waxyeelloobay qaraxyadii shalay ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho.

Qaraxyadaas oo ay Malleeshiyada Al-shabaab shalay ka fulisay Muqdisho, ayay ku dhinteen in ka badan 104 qof, halka ay ku dhaawacmeen 269 qof iyo dheeraad.

Qoraal ka soo baxay Maamulka sare ee Dahabshiil Group oo nuqul ka mid ahi caawa soo gaadhay Warbaahinta aftahannews.com, waxa uu u dhignaa sidatan:-

“Guddoomiyaha iyo Maamulka sare ee Shirkadaha Dahabshiil Group waxay Tacsi u dirayaan eheladda dadka ku waxyeeloobay qaraxyadii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Mogadishu.

Shirkadda Dahabshill Group, iyada oo la qeybsanaysa dadka Soomaalida murugada iyo xanuunka ka dhashay qaraxyadii zoobe, waxaya lacag dhan $500,000 ugu deeqday dadkii ku waxyeeloobay qaraxyadaasi.

Shirkaddu waxay $250,000 ugu deeqday dadka dhaawaca ah, $250,000 kalena waxa la siin doono ganacsatadii yaryarayd ee ganacsigoodii ku waayey qaraxa, iyadoo dhamaantood loogu shubi doono account-kooda eDahab.

Shirkadda waxay deeqdan u xilsaartay guddi madax bannaan oo kormeeri doona qaybinta deeqda,

Sidoo kale, shirkadda Dahabshiil group waxa ay dhaafi doontaa dhammaan khidmadaha laga qaado dadka doonaya in ay lacago tabarrucaad ah sii marsiiyaan guddiga madaxa bannaan ee Dahabshiil Group.

Ugu danbeyntii, Shirkadda Dahabshiil Group waxay markale tacsi u diraysaa dhammaan ehellada iyo qoysaska dadkooda ku waayay qaraxyadii Zoobe.” Sidaa ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Dahabshiil Group.