Dugsiga Abuu-dardaa Online oo Qayb Casri ah u soo Kordhiyay Dadka Waa Weyn

Hargeysa (Aftahannews)- Maamulka iyo Masuuliyiinta Dugsiga Abuu-dardaa Online, ayaa waxaa uu fariin u diray dadweynaha kala duwan ee ku dhaqan caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Maamulka dugsiga Abuu-dardaa Online, ayaa waxaa ay dadka jecel waxbarashada ugu bushaareeyeen in dugsigu soo kordhiyay qayb dadka waa weyn u gaar ah oo ay waxku baranayaan.

Hadaba, maamulka dugsigu waxaa ay dadkaasi ugu baaqeen in dugsigu u soo kordhiyay qayb ay si fudud wax ugu baranayaan akhrinta Luuqadaha Carabiga iyo Qoraalkiisaba oo qaab Online ah.

Taasi oo ah fursad dadka waa weyn siinaysa inay si fudud hab Online ah ugu soo xidhmaan dugsigaas. Dugsiga oo xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa, waxa uu u shaqaynayaa hab Soomaalidu meel kasta oo ay joogto.