Hay’adda Caafimaadka Adduunka oo Kaalmo u diraysa Soomaaliya

New York (Aftahannews)- Madaxa hay’adda Qaramada Miodobay u qaabilsan caafimaadka (WHO), Tedros Adhanom Ghebreyesus, ayaa sheegay inay Soomaaliya gargaar caafimaad u dirayaan.

Madaxa, ayaa tacsi u diray dowladda, iyo shacabka Soomaaliya, gaar ahaan qoysaska uu sida gaarka ah u saameeyey qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, wuxuu carabka ku dhuftay Tedros Adhanom, in dowladda Soomaaliya ay ka kaalmeynayaan sidii loo daweyn lahaa dhaawacyada faraha badan, iyo hannaanka tiiraanyo bixinta dadkii ay dhibaatada xun soo gaadhay.

Magaalada Muqdisho, ayaa shalay waxaa ka dhacay qaraxyo is xig xigay, kuwaasoo ay ku dhinteen ku dhawaad boqol qof, halka saddex boqolna ay ku dhaawacmeen.