Madaxweynaha Kenya oo sheegay inay garab istaagayaan Soomaaliya xiligan adag

Nairobi (Aftahannews)- Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa u diray taci dowladda iyo shacabka Soomaaliya dhibaatadii kasoo gaadhay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Kenya, ayaa carabka ku dhuftay in shacabka Kenya ay garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Ruto, ayaa balan qaaday inuu dalalka gobolka kala shaqayn doono sidii nabad iyo amni looggu soo celin lahaa Soomaaliya.