Hoggaanka Kulmiye oo Kulan la yeeshay Taageerayaasha Xisbiga ee Gabiley

Gabiley (Aftahannews)- Wefdigii uu hoggaaminayey guddoomiye ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) oo safarro shaqo oo la isku xog-waraysanayey taageerayaasha xisbiga ku marayey qaar kamid ah gobollada dalka, ayaa maanta kulan la qaatay cuqaasha, waxgaradka, dhallinyarada, haweenka iyo taageerayaasha xisbiga ee gobolka Gabiley.

Munaasibad ballaadhan oo lagu qabtay gudaha magaalada Gabiley, islamarkaana ay soo buux-dhaafiyeen taageerayaal iskugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada oo ku lebisan astaanta xisbiga KULMIYE, ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa hawlaha kala duwan ee xisbiga, korna loogu qaadi lahaa isku-xidhka iyo wada-shaqaynta taageerayaasha xisbiga, iyada oo taageerayaashana lagu baraarujiyey inay u diyaar garoobaan doorashooyinka kala duwan ee dalka kusoo foolka leh.

Qaar kamid ah odayaasha, waxgaradka iyo waayeelka gobolka Gabiley oo halkaas ka hadlay, ayaa caddeeyey in dadweynaha reer Gabiley ka midaysan yihiin taageeridda xisbiga KULMIYE iyo xukuumaddiisa, haatanna ay sii laban laabayaan taageeradooda.

Maayarka degmada Gabiley, Maxamed-ammiin Cumar Cabdi iyo badhasaabka gobolka Gabiley, Mudane Cabdiqani Maxamuud Jiidhe oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa bogaadiyey isku-xidhnaanta taageerayaasha xisbiga KULMIYE, iyaga oo ugu baaqay inay sii xoojiyaan taageeradooda.

Madaxda xisbiga u qaabilsan gobolka Gabiley, ayaa mahadnaq iyo dhiirrigelin isugu daray taageerada KULMIYE ee maanta cududdooda muujiyey, waxana ay ballan qaadeen inay sii xoojinayaan isku-xidhka iyo wada-shaqaynta taageerayaasha.

Xoghayaha garabka haweenka heer qaran ee xisbiga KULMIYE, marwo Sahra Saleebaan Cawad oo madasha kelmedo kooban ka jeedisay, ayaa taageerayaasha KULMIYE ee Gabiley uga mahad celisay sida milgaha leh ee ay usoo dhaweeyeen weftiga xisbiga ka socda, iyada oo kula dardaarantay inay taageeradooda sii kordhiyaan.

Siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo kamid ah guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE weftigana xubin ka ah oo halkaas ka hadlay, ayaa taageerayaasha KULMIYE ee Gabiley ku bogaadiyey wada-shaqaynta iyo dhiirranaanta ay muujiyeen, waxana uu tilmaamay inay Gabiley ku suntan tahay taariikhda xisbiga KULMIYE.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE oo weftiga hoggaaminaya oo madasha ka hadlay, ayaa taageerayaasha xisbiga ee gobolka Gabiley uga mahadnaqay sida weyn ee ay usoo dhaweeyeen, waxana uu sheegay inuu xisbigu mar kastaba si gaar ah ugu xisaabtamayo taageerada iyo codka bulshada reer Gabiley.