Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Magacaabay Guddi ka shaqeeya hawlaha gurmadka

Muqdisho (Aftahannews)- Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Bare, ayaa magacaabay guddi.

Guddigani, ayaa u hawl galaya gurmadka masiibadii qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Guddiga, ayaa wuxuu ka shaqeyn doonnaa hubinta iyo la socoshada khasaarihii ka dhashay qaraxyadii dhacay, iyo fidinta gurmad deg deg ah.

Guddiga, ayaa waxaa ka mid ah wasiiro, wasiir kuxigeenno, iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.