Ilaalada Xeebaha Talyaaniga oo Badbaadiyay 1,000 Qof oo Tahriibeyaal ah

Rome (Aftahannews)- Ciidamada Ilaalada Xeebaha Talyaaniga, ayaa Arbacadii sheegay inay Badweynta Mediterranean-ka ka soo badbaadiyeen in ka badan 1,000 Tahriibayaal ah oo la socday laba doomood oo kalluumaysi, halka laba qof oo kale oo mayd laga soo saaray badda.

Labadan hawlgal ee “isku-dhafan” ee xeebaha Syracuse ee Sicily, oo ay ku lug lahaayeen doomo ka yimid Liibiya, ayaa daba socday digniin Salaasadii ka timid khadka isgaadhiinta marinktaas ee Alarm oo ah koox maamusha khadka tooska ah ee muhaajiriinta u baahan samatabbixinta.

Doontii ugu horeysay, oo qiyaastii 35 mayl u jirta xeebta Sicilian, markab ay leeyihiin ilaalada xeebaha Talyaaniga, ayaa soo badbaadiyay 416 muhaajiriin ah, halka markab ilaalada Spain oo la shaqeeya ciidamada xudduudaha Midowga Yurub ee Frontex uu badbaadiyay 78 kale.

Dooni labaad oo kalluumeysi, oo 60 mayl u jirta xeebta, maraakiibta ilaalada xeebaha iyo booliska dambiyada maaliyadeed ee Talyaaniga, ayaa ku soo baxay si ay u badbaadiyaan 663 muhaajiriin ah.

Ra’iisal wasaaraha cusub ee dalka Talyaaniga Giorgia Meloni, ayaa wacad ku martay  inay joojin doonto dadka tahriibayaasha ah ee ka imanaya qaarada Afrika, iyadoo khudbadii ugu horeysay ka jeedisay baarlamaanka tan iyo markii ay xafiiska la wareegtay dhamaadkii todobaadkan.

Meloni waxa ay sheegtay in dowladeeda, oo ah tan ugu midigta fog dalka tan iyo dagaalkii labaad ee adduunka, ay doonaysay in ay “joojiso tahriibka sharci darrada ah, ayna jebineyso ka ganacsiga tahriibka”, gaar ahaan iyada oo ka hortagaysa dadka ka soo baxaya Liibiya oo ay dhibaatadu saamaysay.